Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xildhibaanada kala taageersan Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha dalka ay maalinimadii shalay gudaha xarunta baarlamanka la galeen hub.
Sargaal ka tirsanaa Laamaha Ammaanka oo Xarunta ku sugnaa ayaa inoo xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen ilaa 11-Xildhibaano ku hubeysnaa Bastoolado kuwaasi oo damacsanaa inay hubka isku difaacan haddii goobta uu ka dhaco gacan ka hadal.
Xildhibaanada hubka laga qaaday ayaa waxa uu Sarkaalka tilmaamay inay u badnaayen kuwa Mooshinka waday iyo Labo kamid ah kuwa taageersan R/W C/weli hayeeshee ay ku hungooben inay gudaha ula galaan Hubka.
Dhanka kale, Sarkaalka ayaa waxa uu sheegay in Kulanka Seddexaad ee dhici doona ay suuragal tahay in gudaha Xarunta ay ka dhacaan falal lagu qalqal galinaayo shirka, waxa uuna walaac adag ka muujiyay heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka Labada Mas’uul.
Ma uusan magacaabin Magacyada Xildhibaanada hubka lagu qabtay, balse waxa uu DF Somalia ugu baaqay inay xal u hesho Khilaafka dhaliyay isku dhaca Xildhibaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

