29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Shaki soo kala dhex galay Xasan iyo Jawaari kaddib xog la siiyey Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa waxa ay uga hadleen caqabada hortaagan hirgalinta mooshinka ay Xildhibaanada BF kasoo gudbiyeen Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Kulanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid uu dalbaday Madaxweynaha kadib markii la sheegay in Xildhibaanada Mooshinada wada ay Xasan u sheegen in Jawaari uu u jaran-jeero dhanka Cabdi Weli Sheekh, oo uu si hoose u diidan yahay mooshinka.

Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha u sheegay in Jawaari uu Caqabad ku yahay Fulinta Mooshinka, waana tan keentay in Xasan Sheekh uu Jawaari ka dalbado inuu si hufan u guto Howshiisa.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ku wargaliyay in muujiyo inuu daacad ka yahay khilaafka isaga iyo Cabdi Weli Sheekh.

Sida xogtan ay leedahay, Xasan ayaa waxa uu Jawaari u cadeeyay inuu kalsooni buuxda ku qabo tirada Xildhibaanada taageersan kaliya looga baahan yahay inuu go’aan ka qaato Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinada.

Dhanka kale, Jawaari ayaa waxa uu Xassan u sheegay inuu dhex dhexaad ka yahay Siyaasada Labada Mas’uul waxa uuna u ballan qaaday inuu waxbadan ka bedeli doono habsami u socodka kulanka dambe oo ay ku kulmayaan Xildhibaanada si loo meel-mariyo Mooshinada.

Shakiga ayaa dhaliyay kadib markii Gudoomiye Jawaari uu labadii kulan ee fashilmay muujiyay jilicsanaan islamarkaana ka baxay Xarunta Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News