XOG: Gaas oo shirka Copenhagen aan ka qeyb galeyn “Dhowrasho Sumcad”

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Gaas, ayaa la sheegay inuu ka baaqsaday ka qeyb galka shirka Copenhagen ee Soomaalida, sabab lagu sheegay “Dhowrasho sumcad”.

Xubno ka tirsan madaxtooyada Garoowe ayaa Caasimada Online u sheegay in Cabdi Weli Gaas uu qorsheenayo inuu beddelkiisa diro wafti wasiiro iyo agaasimayaal isugu jira, kadib markii uu ogaaday inaysan madax sare kasoo qeyb gali doonin shirka.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli ay labadaba shirka ka qeyb gali doonin, ayna diri doonaan wasiiro, si midba midka kale uusan uga faa’iideysan inta uu maqan yahay.

Sidoo kale dalal badan oo Yurub ka mid ah ayaa wafti agaasimayaal ah usoo diri doona shirka, halka dowladda Mareykankana ayba qaadacday ka qeyb galka shirka gebigiisba, taasi oo ay ugu wacan tahay khilaafka madaxda sare ee Soomaalida.

Isaga oo ka guuraya dhammaan arrimahaas, ayaa la sheegay in Gaas uu go’aansaday inuusan shirk ka qeyb galin, isaga oo dareemaya in xubnaha ka qeyb galay shirka uu ka maqaam sareeyo, maadaama aysan madax dalal shirka imaneyn.

Si kastaba, Gaas ayaa la sheegay inuu beddeli karo mowqifkiisa haddii la sheego inay madax sare shirka kasoo qeyb galayaan.

Muhiimaddii shirka Copenhagen ayaa iminka sii lumeysa, ayada oo caalamkuna uu ka rajo dhigay shirka, kadib markii madaxda sare ee Soomaaliya ay xalin waayeen khilaafkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com