Kay oo war kasoo saaray rabashadihii ka dhacay xarunta baarlamaanka ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan dalka Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay rabashadihii shalay ka dhacay Baarlamaanka Somaliland, isagoona baaq u diray siyaasiyiinta maamulkaas.

Wakiilka oo qoraal kasoo saaray Xafiiskiisa ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay rabashadihii ka dhex dhacay aqalka Baarlamaanka Somaliland, halkaas oo ay buuq iyo sawaxan ka aloosmay.

Wuxuu hadalkiisa ku daray in maamulka Somaliland uu horumar wanaagsan oo muuqda ka sameeyey in Doorashooyin Dimuqraadi ah ka dhacaan balse rabashadihii dhacay halis ku yihiin doorashooyinka soo socda.

“Somaliland horumarro wanaagsan ayay ka sameysay inay doorashooyin dimuqraadi ah ka dhacaan. Rabshadihii shalay waxay khatar ku yihiin doorashooyinka soo socda” ayuu yiri Nicholas Kay.

Wakiilka Qaramada Midoobey dalka Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ugu baaqay dhinacyada ishaya in si buuxda loo Ixtiraamo Dimuqraadiyada isla markaana ay is xakameeyaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirixmaan Ciro ayaa dhankiisa ku eedeeyey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iney afduub ku qabsatay aqalka Gollaha Wakiilada isla markaana soo dhoobtay Ciidamo tira badan.

Dhanka kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in dhibaatadii dhacday uu ka xuntahay ,isagoona ku baaqay in laga shaqeeyo qaranimada Somaliland lalana shaqeeyo guud ahaan hay’adaha ammaanka ku hawlan.

“Waxaan leeyahay Gollaha wakiilada waxa idin saaran mas’uuliyad culus oo bulshadu idin ka fadhido maahan inaad maalin walba is haysataan oo qaranka qas gelisaan” ayuu yiri.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa baaq u diray Xildhibaanada Gollaha Wakiilada Somaliland ,isagoona sidoo kale eedeyn u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirixmaan Ciro.

Isha: RBC