R/W CABDI WELI oo 3 arrin ugu baaqay xildhibaanada garabkiisa ah (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah Xildhibaanada taageersan R/W C/weli Sheekh Axmed ayaa inoo xaqiijiyay in kulan ay habeenimadii xalay la qaaten R/W C/weli uu kusoo idlaaday jawi wanaagsan.

Waxa uu sheegay in inta uu kulanka socday ay Ra’isulwasaaraha u sheegen Caqabadaha ka heysta dhanka Jawaari inta uu socdo is hortaaga Mooshinka, hayeeshee waxa uu ku booriyay inay laba jibaaran dadaalada ay ku hor istaagayaan Mooshinka islamarkaana ay u dulqaatan dhibaatooyinka yar yar ee ka hor imaanayo.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in R/W C/weli uu kula taliyay Seddex arrin oo kala ah:-

1- In ay niyad jab ka qaadan Mooshinada is xig-xiga oo ka imaanaya dhanka Xildhibaanada taageersan Xassan Sheekh.

2- In ay la kulmaan Madaxweynaha oo ay isku dayaan inay ku biiraan garabkiisa, waxa uuna u sheegay inay jiraan Xildhibaano loo soo xil saaray inay kala jabiyaan Garabkiisa.

3- In Jawaari ay la qaatan Kulan ama ay kala arrinsadaan arrimaha khuseeya Mooshinada.

Dhanka kale, waxa uu Xildhibaanka sheegay inay soo dhaweynayaan Qodobada uu faray R/W C.weli, waxa uuna Cadeeyay in habdhaqankooda uu noqon doono Foodo ay uga soo horjeedan Mooshinada, waa haddii aan la helin Cadaalad, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintaani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ku hingooben hirgalinta Mooshinada ka dhanka ah R/W C/weli.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com