“Xildhibaanno yar ayey u baas-baxday dimoqoraadiyadii BFS” Waxaa yiri….

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeyen oo kamid ah Golaha BF Somalia, ayaa waxa uu sheegay in Nasiib daro ay tahay in Xildhibaano farakutiris ah ay kasoo horjeestaan Mooshin ay isku raacsan yihiin inkabadan 130 Xildhibaan.

Xildhibaan Maxamed Cabdi waxa uu Tilmaamay in Ujeedkoodu yahay hirgalinta Mooshinka iyo in Kursiga laga tuuro R/WC/weli waxa uuna farta ku goday in dimoqoraadiyadii hey’addii ugu weyneyd ee dowladda ay is hortaagen Xubno yar yar oo taageero u ah Ra’isulwasaare C/weli, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in xildhibaanadi ay galeen dambiyo ay ka midyihiin in ay jeexjeexeen diiwaankii xaadirinta xildhibaanada iyo in ay guddoonka baarlamaanka ka hor istaageen in uu furmo baarlamaanka, iyagoona aflagaado kala duldhacay Madaxda.

Wuxuu dhanka kale sheegey in dad ajnabi ah ay faraha kula jiraan arrinta, isaga oo si gaar ah u eedeeyey Nicholas Kay, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, wuxuuna xildhibaanka ku baaqay in Soomaalida iyagu aayahooda ay ka tashtaan.

Arrintaani, ayaa ka dambeysay kadib markii Xildhibaanada taageersan Madaxweyne Xassan ay ku fashilmeen inay Mooshin ku tuuraan R/W C/weli.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com