ONLF oo jab weyn gaarsiisay Ethiopia

Warar lagu shaaciyay Warbaahinta taageerta Ururka ONLF ayaa lagu qoray dagaalo cul-culus oo ay Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta xukuumada Ethiopia.

Warbaahinta Qorahay Media ayaa qortay dagaalo qorshaysay oo ay ONLF ku qaaday meelo kamid ah dhulka Ogaadeenya dagaaladaas oo isugu jira Mir, Dhabagal, & Weerar ku qadaan Ciidama wadoonka.

13/11/14 Waxay Ciidamada ONLF weerarro saf balaadhan ah ku qaadeen fadhiisimo ay ciidamada Ethiopia  ku lahayeen Gobolada  Nogob & Jarar oo ay dadka shacabka ku waxyeellaynayeen, meelaha ay Jabhadda ONLF weerarada qorsheysan labeegsadeena waxaa ka mid ah  Tuulada Bukudhawe oo katirsan Degmada Awaare ee Gobolka Jarar, weerarkaas oo mir ahaa waxay Warbaahinta Qorahay Media sargaal kamid ah ONLF u xaqiijiyay in khasaare loogu gaystay Askarta Ethiopia.

Isla taariikhad kor ku xusan waxay Ciidamada ONLF weerar labeegsadeen ciidana Ethiopian ah oo ku sugnaa meesha loo yaqaano Bakhtiweyne oo ka tirsan Degmada Sagag ee Gobolka Nogon waxaana Ethiopia lagaga dilay 9 Askari 12 kalena waa lagaga dhaawacay

Maalinkaas kor ku xusan wuxuu Dagaal ka dhacay Galoolgoosi & Bali-Qabriyaale oo labaduba katirsan Degmada Garbo ee Gobolka Nogob waxaana Ethiopia lagaga dilay  10 askari 9 kalena waa lagaga dhaawacay, weerarradani waxay qayb ka yihiin halganka hubaysan ee ciidda Ogaadeenya Ethiopia  lagaga xoraynayo waxaana la sheegayaa in ay jiraan dagaalo kale oo jug culus Ethiopia lagu gaadhsiiyay.

Dhaqdhaqaaqa Ciidamada Gobanimo doonka ah ee ONLF ayaa guud ahaan gobolada Ogaadeenya si weyn looga dareemayaa waxaana isa soo taraya xogaha sheegaya in ay askarta Ethiopia si aad ah uga cabsi qabaan in magaalooyinka waaweyn loogu soo galo.

Si kastaba ha ahaatee halganka ay Jabahda ONLF hormoodka u tahay wuxuu beeniyay hankii & damicii Ethiopia waxaana marba marka ka dambaysa sii daciifaysa awooda ay  dhulka Ogaadeenya ku leeyahay marka laga reebo waxyeellooyinka & xadgudubyada ay ku hayaan dadka nugulka ah ee aan hubaysnayn isna difaaci kari.

Dagaladaas & guud ahaan xaaladaha Ogaadeenya wixii ka soo kordha wararka dambe kala soco

Mohamed Ibrahim

wadani2014@yahoo.com