Maxaa ka jira inuu billowday wada-hadallo u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli ka taagan magaalada Muqdisho xiisadii dagaal ee u dhaxeysay ciidamada kala taabacsan dowladda waqtigeedu dhamaaday iyo musharaxiinta mucaaridka, taasi oo bilaabatay shalay gelinkii dambe, kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen aaga uu degan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kadib markii ay cirka isku shareertay xiisada dhinacyada is-haya oo dagaal xoogan uu magaalada Muqdisho ku dhex-maray 24-kii saac ee u dambeeyay, waxaa ra’iisal wasaaraha uu sheegay inuu waan-waan iyo wada-hadallo wado oo uu la leeyahay mucaaradka.

Hase yeeshee, sida ay ogaatay Caasimada Online, illaa hadda majiro wax wada-hadal toos ah oo u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka ama waan-waan ah oo loogu tagay saraakiisha hogaamineysa ciidanka ka horyimid muddo kororsiga iyo qaar kamid ah midowga musharaxiinta oo weerar lagu qaaday hoyga ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho.

Xubno ka tirsan Midowga musharixiinta ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuusan jirin xiriir dhexmaray mas’uuliyiinta dowladda waqtigooda dhamaaday iyo dhinacyada kala ee ku dagaalamay Muqdisho, taasi oo meesha ka saareysa sheegashadii Rooble.

Wada-hadallada kaliya ee hadda socda ayaa ah kuwa u dhaxeeya musharaxiinta iyo beesha caalamka.

Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa sheegay in hadalkii ra’iisul wasaaraha uu ku amray ciidamada dowladda inay gutaan waajibkooda amni, iyo kii wasiir Xundubey uu ciidamada musharaxiinta ugu yeeray maleeshiyo qabiil ay meesha ka saareen in la wada hadlo.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo xalay iska soo duubay muuqaal ayaa sheegay in xiisada taagan uu ku dhameyn doono wada-hadal, islamarkaana uu bilaabay arrintaas, waxaana soo baxaysa inuusan jirin dadaal ku aadan xiisadaan oo ay bilowday dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Arrintaan ayaa sarre u qaadeysa suurta-galnimada in Muqdisho mar kale uu dagaal ka dhaco, iyadoo ciidamadu difaacyo iyo dhufeyso caro-tuur ay dhigteen goobihii xalay iyo shalay dagaalada ka dhaceen, waxaana dadka reer Muqdisho ay qabaan wal-wal weyn iyo dareen ku aaddan amnigooda.