28.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Farmaajo uu ka baaqsan doono Shirka IGAD

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in maalinta Isniinta ee fooda nagu soo heysa uu magaalada Addis Ababa ka furmi doono shir degdeg ah oo ay yeelan doonaan Madaxda dowladaha Africa.

Shir madaxeedka IGAD ee Isniinta la filaayo inuu furmo ayaa waxaa qeyb ka noqon doona dhammaan Hogaamiyayaasha dowladaha qeybta ka ah IGAD, iyadoo la sheegay in shirkaasi uu ka cudur daartay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka uu xiriir la sameeyay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo uu uga cudur daartay ka qeybgalka shirka, kadib markii ay ku kordheen Safarada uu uga maqan yahay dalka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in Safarkaasi uu ku matali doono Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre, waxaana shirka diirada lagu saari doonaa Xaalada cakiran ee ka jirta dalka Koofurta Sudan.

Ra’isul wasaaraha dalka ayaa lagu wadaa in maalinta Axada ah uu gaaro magaalada Addis Ababa, si uu qeyb uga noqdo shirka furmi doona maalinta Isniinta ah.

Sababta ugu weyn ee baaqashada Madaxweynaha ayaa lagu sheegay dhaliilaha aadka u farabadan ee uga imaanaya dhanka Bulshada, kadib markii uu galay 10 Safar oo qaarkood xiriir ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, waxan la ogeyn waxa iska bedeli doona qorshaha Madaxweynaha, waxaana suuragal ah inay wax iska bedelaan oo uu ka qeybgalo shirka, isagoo daweynaaya xiriirka Diplumaasiyadeed ee kala dhexeeya Dowladaha ku bahoobay IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News