Maxaa ka jiro in Boorsaani la geliyey go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale?

Muqdisho(Caasimada Online) – Waxaa soo baxayo warar kala duwan oo ku aadan in go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale la geliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaana soo wajahday hadda culeys badan oo ku aadan kursigiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Xayiraad saartay akoonadii uu Gobolka Banaadir ku lahaa Bankiga dhexe iydoo la diiday in wax lacag ah laga bixiyo midaasna waxay caqabad ku noqotay shaqadii Gobolka Banaadir oo markii horeba tabcaan aheyd.

Sidoo kale waxaa cabasho badan soo gudbiyey shaqaalihii Gobolka Banaadir oo aan markii hore mushaar qaadan dhawr bilood intii ay jirtay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud oo ay haddana ugu darsoontay in la xiray akoonadii lacagta laga siin lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Boorsaani ayaa hadda dareemayo culeys iyo ififaalo muujinayo inuusan kusii fadhin doonin kursiga Gobolka Banaadir , wuxuuna ku fashilmay qorshooyin uu kula kulmi lahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasoo dhalisay shaki weyn oo ku aadan kursigiisa.

Arrinta iyo culeyska heysto Boorsaano ayaa lagu micneeyey inay la mid tahay middii qabsatay Agaasimihii hey’ada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed Axmed Malin Fiqi sanadkii 2012 markaas oo uu madaxweyne Soomaaliya ka noqday Xasan Shiikh Maxamuud iyadoo xilligaas laga guuleystay ninkii ay saaxiibada ahaayeen ee Shiikh Shariif Sh. Axmed.

Culeyskaan heysto Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la aaminsan yahay inuu uga imaado ololihii muuqday ee uu u sameeyey madaxwyenihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud intii ay socotay ololihii doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com