Shuruudaha iyo lacagta laga doonayo musharixiinta P/L oo la adkeeyey

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay guddiga doorashadda madaxtinnimada maamulka Puntland, iyagoona soo saaray shuruudo adag oo la dul dhigay musharrixiinta doonaya xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland, xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa faah-faahin ka bixiyay xeerka iyo hannaanka doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay u dhici doonto.

Wuxuu caddeeyay in musharraxa madaxweynaha laga doonaayo Toban kun oo dollar Maraykanka ($10,000) halka madaxweyne ku xigeenka laga doonaayo shan kun oo dollaarka Maraykanka ($5,000), waxaana la sheegay in cidda ku keeni weysa ilaa salaasada in uusan ka qaybali doonin doorashadda.

Lacagtan ayaa la sheegay in aan la soo celin doonin marka uu musharraxa soo gudbiyo, waxaana uu intaas ku daray in khudbadaha musharrixiinta la soo jeedin doono maalinta Salaasada ee soo socota.

Lacagtan waa mid cusub oo ay soo saareen guddiga doorashadda, waayo doorashadii horre ee dhacday sannadkii 2009 waxaa musharrixii laga qaadi jiray shan kun dollar halka ku xigeenkiisa uu bixin jiray seddax kun oo dollar.

Magaalada Garoowe waxaa ka socota diyaargarowga ku aadan doorashadda iyo olole ay wadaan musharrixiinta.

Doorashadda madaxtinnimada ee Puntland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo maalinta Arbacada waxaana isku soo taagay in ka badan 20 musharrax in kastoo ay jiraan qaar tanaasulay.

Doorashadda Puntland sannadkan aad ayaa indhaha loogu hayaa marka loo eego gudaha iyo dibedda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com