Maamulka Khaatumo oo go’aan culus qaatay kaddib markii Puntland ay…!

Taleex (Caasimada Online) Maamulka Khaatumo State ayaa xil ka qaadis ku sameeyay labo madaxweyne oo ka tirsan golayaasha madaxweynayaasha Khaatumo, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay jabiyeen sharciga u yaalla maamulkaas.

Afhayeenka maamulka Khaatumo Saleebaan Waji-Xaad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) uu ku dhaqaaqay qiyaamo qaran markii uu tagay Puntland.

Axmed Karaasho ayaa markii uu tagay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland wuxuu sheegay in wax la dhaho maamulka Khaatumo State aaney jirin sida uu yiri.

Madaxweyne kale kale  Cabdinuur Cilmi Qaaji (Biindhe) ayaa isna lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo inuu qeyb ka ahaa abaabulka dagaallo ka dhacay deegaaka Taleex,kaasoo uu ku lug lahaa maamulka Farooele sida uu sheegay Waji-Xaad.

Afhayeenka maamulka Khaatumo ayaa xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo magacaabi doono xilalka laga qaaday labada madaxweyne ee golaha Khaatumo State.

Dhinaca kale, Axmed Karaash ayaa maanta sheegay in uu u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland, isagoona intaas ku daray in uu matalaayo gobalada Sanaag, Ceyn iyo Sool.

Axmed Karaash ayaa ka mid ahaa madaxweynayaal seddax oo ka dhisnaa maamulka Khaatumo State.

Si kastaba, waxaa la sheegayaa in uu jirro khilaaf xooggan oo uu dhexyaalo madaxda sarre ee Khaatumo.

Maamulka Khaatumo ayaa ka arrimiya gobalada Sanaag,Ceyn iyo Sool, waxaana aqoonsan dowladda Soomaaliya, balse Puntland waxa ay lee dahay annaga ayaa halkaas ka arrimina.

Caasiamda Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com