DFS oo u hambalyeesay guddoonka cusub ee baarlamaanka Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa u hamabalyeesay guddiinka ciisn ee baarlamaanka maamulka Puntland oo shaley ka dhacday magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari oo maanta oo Axad ah ka hadlay kulan uu baarlamaanka ku yeeshay Muqidsho, ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan qaabka ay u dhacday doorashadda Puntland oo uu ku guuleestay Saciid Xasan Shirre.

Jawaari ayaa caddeeyay in uu la socday qaabka ay doorashadda u dhacday wuxuuna tilmaamay in ay si dhow u la shaqeen doonaan guddoonka cusub ee baarlamaanka Puntland.

Dhinaca kale Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa isna soo dhoweeyay doorashada guddoonka baarlamaanka Puntland wuxuuna ku tilmaamay mid taarikhi ah.

War-saxaafadeed maanta oo ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay in doorashada ay u dhacday si hufan oo ku dayasho mudan.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa sheegay inuu si dhow ula socday qaabka ay u dhacday doorashada, isagoo u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Puntland Siciid Xasan Shire.

Wuxuu xusay in qaabka ay u dhacday doorashada ay muujineyso horumarka dhinaca siyaasadda ee ay u baahan tahay Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Cabdiwali ayaa rajeynaya in doorashada madaxtinnimada Puntland ee lagu wado inay dhacdo Arbacada soo socota ay u dhici doonto si dimuqoraadiyad ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Dowladda Soomaliya iyo maamulka hadda ka dhisan Puntland ayaa xiriirkooda uu xumaaday sannadkii horre markii la isku qabtay arrimaha dastuurka.

Maalinta Arbacada ayaa lagu wadaa in Puntland ay ka dhacdo doorashadda madaxtinnimada waxaa la isku soo taagan in ka badan 20 musharrax balse qaar ayaa billaabay in ay u tanaasulaan musharrixiinta kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com