FAROOLE oo ay guul darro xoogaan ka raacday doorashadii P/L ee maanta

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo dhammaatay doorashada golaha baarlamaanka Puntland oo saakay ka billaabatay magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Puntland.

Wariyaha Caasimada Online ee Garoowe ayaa soo sheegaya in doorashada ay u dhacday qab deggan, waxaana aad looga dareemay magaalada oo dhan gaar ahaan xarunta baarlamaanka oo ku taalla bartamaha magaalada Garoowe.

Waxaa codeynta ka qeyb qaatay 66-da xildhibaan oo uu ka kooban yahay baarlamaanka cusub ee Puntland, waxaana guddoomiyaha cusub ay u doorteen Saciid Xasan Shirre, oo horrey u ahaa wasiirka xanaanada Puntland, balse iminka siyaasad ahaan kasoo hor jeeda Faroole.

Wareega sadaxaad ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku guulaystay Xil. Siciid Xasan Shire, codeyntiina sidaan bay u dhacday:

1. Xil. Sicid Xasan Shire                                 40 cod

2. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi           26 cod

siciid_xasan-400x237

Madaxtooyada Garoowe ee Faroole ayaa wadatay mid ka mid ah Musharixiinta iyaga oo ol-ole aan qarsooneyn u samaynaayey, isla markaana culeys saarayey musharixiinta kale qaarkood. Musharaxa Madaxtooyada laga taageerayey ayaa ahaa Xildhibaan Cabdixakiin Xaaji Maxamuud (Dhooba Daared) oo ka mid aha musharixiintii u gudbey wareega labaad.

Musharaxa guushu raacdey ee Siciid Xasan Shire oo horey u ahaa wasiir ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Faroole ayaa saacadiihii u danbeeyey ka hor doorashada cadaadis xoogleh kala kulmaayey Madaxtooyada Garowe, waxaana laga codsadey in uu ka tanaasulo xilkaas isla markaana Boorsooyinka Madaxtooyada u furayaan. Siciid Xasan ayaa diidey in uu ka tanaasulo tartanka isaga oo ka dalbadey in Boorsooyinkooda ay iska xirtaan.

Kadib markii uu wareegii labaad ku harey Cabdixakiin Xaaji Maxamuud ayaa laga dareemaayey wejiyada shaqaalaha ka yimid Madaxtooyada oo qaarkood kuraastii ay fadhiyeen dabada ka jaftey isagana huleelay.

Inkasta oo doorashada Guddoomiyaha aysan wax badan ka beddelin kan Madaxweynaha ayaa dadku sheegayaan in maanta ay soo baxdey awoodda Madaxweynaha xilka ka degaaya uu ku yeelan karo baarlamaanka taas oo ah mid ka hooseysa 16 Xildhibaan kaliya, oo ah wax Faroole uuan marnaba fileyn.

Doorashadda guddoonka cusub ee baarlamaanka ayaa qaadatay seddax wareega, waxaana ay ahayd mid aad u culus.

Waxaa kaloo la doortay ku xigeenada guddoomiyaha golaha baarlamaanka Puntland , waxaana loo kala doorytay Cabdixakiin Macalin Daahir iyo Xuseen Xaaji Diiriye.

Ammaanka goobta doorashadda ay ka dhaceysay ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la dhigay ciidamo badan oo ah kuwa darwiish-ka.

Doorashadda maanta ayaa billow ah waji cusub oo ay galeyso toddobaadkan Puntland, waxaana la sugayaa doorashadda madaxtininimada oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bishan taasoo ay u taagan musharrixiin farabadan oo uu ku jirro madaxweynaha hadda xilka haya Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com