Baarlamaanka oo loo gudbiyay codsi deg deg ah oo ka yimid RW C/Weli Sh

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Sabti ah xildhibaannada baarlamaanka u sheegay codsi uga yimid ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Codsigaas ayaa wuxuu ahaa in la joojiyo ka dooddistay sharciyada ay horrey u soo bandhigeen xukuumadii Saacid  ilaa inta uu ka soo dooranaayo laga soo dhisaayo golaha wasiiradda cusub.

“Waxaan rabaa in aan idiin sheego inta aan furin fadhigeena maanta codsi idiinka yimid ra’iisal wasaare mudane Cabdiweli Sheekh Axmed kaasoo ku saabsan in dib loo dhigo sharciyada aan ansixino ee ku aadan xukuumadda ilaa inta la soo dhisaayo golaha wasiiradda, arrintaas waan yeelnay” ayuu yiri Jawaari.

Codsigan ayaa yimid markii baarlamaanka Soomaaliya ay maalmahan meel mariyeen dhowr sharci oo qaar kood quseeya xukuumadda iyo golaha wasiiradda, balse maba jirto golle wasiiro oo arrintaas wax laga weydiiyo.

Dhinaca kale, waxaa xafiiska ra’iisal wasaaraha ka socda kulamo goon-gooni ah oo looga hadlaayo soo magacaabista xubnaha golaha wasiiradda cusub, waxaana la lee yahay wasiiradda cusub waxa ay u badanaan doonaan xukuumadii Farmaajo ee Tayo in kastoo ay jiraan xubno kale oo ka socda xukuumadii Saacid.

Ra’iisal wasaaraha ayaa saacadaha soo socda ku dhawaaqi doonaa xukuumadiisa taasoo ka badan golihii wasiiradda xukuumadda ka horreeyasay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com