Soomalida qaxootiga ku ah Dhagaxley oo war aan fiicneyn uu usoo yeeray

Dhagaxleey (Caasimada Online) Dab xooggan oo khasaaro dhaliyay ayaa galabta ka kacay xarunta MSF ay ku lee dahay xerada dhagaxleey ee gobalka Waqooyi Bari Kenya.

Ku xigeenka hey’adda MSF ee dhagaxleey Abuukar Maxamed Maxamuud ayaa VOA-da dabka in uu baabi’yay qaybtii nafaqada iyo dawada ee hey’adda.

Wuxuu xusay in dabka uu baabi’iyay lix bilood wax yaabihi la isticmaali lahaa ee hey’adda ugu keydsanaa goobta sida uu yiri.

Mar la weydiiyay sarkan wax yaabaha ku jiray qolka gubtay wuxuu tilmaamay in uu ahaa keydka MSF ee xerada Dhagaxleey.

Wuxuu sheegay in dabeel xooggan oo ka socotay deegan uu sahlay in dabka uu baabi’iyay qalabkii yaalay xarunta, balse waxaa nasiib ah buu yiri in wax dhimasho aysan jirin.

Dabka ayaa in muddo socday, waxaana aaney jirin gaadid gurmad oo goobta yimid markii dabka uu ka kacay xarynta sida uu yiri Abuukar Maxamed ku xigeenka hey’adda MSF ee dhagaxleey.

Waa dabkii labaad oo muddo toddobaad ah ka kacay xerada qoxootiga Dhagaxleey, seddex maalin ka hor ayaa dab xooggan uu ka kacay xilli habeen ah suuq weyn oo ku yaalla halkaas kaasoo baabi’iyay hanti baallaaran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com