Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Kenya ayaa shaacisay in la dilay raggii dhaawacay xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamukunji,ee Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Raggan oo ahaa labo ayaa waxaa toogtay booliska Kenya kaddib markii howgallo ay saakay aroortii hore ka sameeyeen xaafadda ay ku badan tahay Soomaalida ee Islii gaar ahaan waddada 12-aad ee agagaarka xaruntii hore KBC Garage.
Madaxa Booliska Magaalada Nairobi Benson Kibue, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in raggan la toogtay ay ku hubeysnaayeen bam gacmeed, rasaas iyo baastoolad.
Mr. Kibue ayaa tilmaamay in labadan nin la rumaysan yahay in ay yihiin kuwii ka dambeeyay bam gacmeed ay dad ku dhinteen oo lagu weeraray Masaajidka Al-Hidaaya ee xaafadda Islii bishii December sannadkii horre.
Weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamukunji, Yuusuf Xasan Cabdi.
Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ayaa soo sheegaya in xaafadda Islii aysan ka jirin maanta wax dhaqdhaqaaq ah, waxaana xiran inta badan goobaha ganacsiga iyo meelaha lagu shaaxo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi

