Maxaa ka khaldan madaxda maamul goboleedyada ama way is-yeelyeelayaan?

Soomaaliya waa dal madax banaan waxayna xurnimo heshay iyadoo weli ay dawlado badan oo Afrika iyo Aasiyaba ah aynan qaadan madaxbanaani. Soomaaliya waxay qayb libaax ka qaadatay siday xurnimo u heli lahaayeen dadka adduunyada ku dhaqan oo la gumaysan jiray, taasi waxay u abuurtay cadawtooyo badan oo ay u qaadeen kuwa wax dulmiya. Iyadoo taasi laga duulaayo ayaa waxay ku guulaysteen kuwa wax dulma inay burburiyaan dawladdii iyo qabkii ay soomaaliya lahayd.

Markii la burburiyey dawladdii soomaaliyeed, waxaa waddanka lagu ibtileeyey qabqable dagaal oo mar allaale markay soomaaliya ay isu soo dhawaato, muuqatana inay cagaheeda isu taagayso, waxaa la isticmaali jiray dagaal oogayaal oo ku oor kacsanaayo qabii, waxayna ku guulaysan jireen inay hilfaha u qaadaan rajo kasta oo ummadda soo gasho. Dagaal oogayaashaas inta badan waxay ahaayeen kuwo aan lahayn aqoon durugsan oo waxaa u muuqday oo kaliya dhuuntood iyo waxay maalmahaas ku noolaadaan, iyagoo dan ka galin ubadka gaajada iyo xabada u dhimanaayo, gabdhaheena oo saxaaraha lagu kufsanaayo ama lagu addoonsanaayo iyo dhalinyaradeena oo badankood ku la’day badda iyagoo ka cararaaya rajo beelka ay ummadda soomaaliyeed la soo darastay.

Nasiib wanaag dagaal oogayaasha Ilaah wuu naga qaaday, badankoodna waxay ku dambeeyeen dullinimo iyo xanuun aan laga bogsanaynin oo uu Ilaah ku riday.

Haddaba maxaa dhacay , waxaa soo baxay kuwo ku qaraabanaayo diinta oo dano gaar ah u wada gumaystayaasha aan doonaynin inay soomaaliya ay hurdada ka kacdo oo danaheeda u istaagto. Kuwaan waxba kama duwana kuwii hore waliba way ka xun yihiin. Kuwaan dhibaatooyinka aan kor ku soo xusay waxaa u dheer inay laaynayaan waxgaradkii fara ku tirsiga ahaa oo ummaddii u hartay, waxay u diideen caruurtii inay wax bartaan, waxay u diideen dadkii abaarha iyo colaadaha saameeyeen in wax loo qabto, taas waxaa ka sii daran waxay go’doomiyaan magaalooyin iyagoo ku qasbay dadka inay gaajo u go’aan… iwm. Waa yaabee ma waxay ka shidaal qaateen qureeshtii nabiga (CSW) iyo reer bani Haashim go’doomiyey markii uu nabigeena (CSW) Ilaah u soo diray inuu ummadda ugu yeero inay Ilaah kaliya caabudaan.. Allaahumaa najina min sharihim. Cadawtinimada ay u qabaan soomaalida fara badnaa!!

Maxaa xigay, gumeystayaashii wali ma quusan, waayo soomaalidu wali way dhaqaaqayaan ismana dhiibin. Waxaa naloo dhoodhoobay dastuur ay soomaalida diin iyo dhaqanba aysan u lahayn. Gumaystayaasha waxay isku afgarteen inay soomaalida kala qoqobaan oo tuulo tuulo loo kala jarjaro (Qeybi oo xukun), waxay ugu yeereen dawlad goboleedyo oo ku dhisan qabiil, waxaana soomaalida loo sameeyey dhawr madaxweyne, dabcan cadawga mar walba waxaa u adeegaaya kuwo dhuuni qaatayaal ah oo aan dan ka laheen soomaalinimada. Markaan waxaa la soo adeejiyey kuwa isku tilmaama inay yihiin aqoonyahano, eeg madaxweynayaasha maamul goboleedyada intooda badan waxay haystaan shahaadooyin marka laga reebo hal ama labo.

Ilaah weyne (SW) wuxuu si lama filaan ah xukunka waddanka u dhiibay niman ay soomaalida ku rajo weynaayeen inay Ilaah idinkii badbaadinayaan waddankaan oo loo soo shaqo tagay. Xukuumaddii la doortay waxay la yimaadeen carcar waddanimo, taas oo ay aad uga caroodeen cadawgii soomaaliya. Wuxuuna cadawga bilaabay inuu raadiyo tab kasta oo lagu hakin karo xukuumadda oo soomaalida intooda badan taageereen. Xukuumaddii xawliga ku socotay waxaa loo dhigay qodxo si ay saani ugu socon. Waxaa la soo basbaaseeyey madaxweynayaashii oo markii horeba danta laga lahaa ay eheyd in lagu horistaago cid walba oo soomaaliya u kacdo. Madaxweyne ku sheegayaashaan waxaa la siiyey dhaqaale fara badan si ay u hakiyeen xukuumaddaan xawliga ku socoto iyadoo marmarsiiyo laga dhiganaayo go’aan ay ka qaadatay walaalo carbeed oo awood isku sheeganaayo inay dhexdhexaad ka noqoto, taasi oo ah fikir saliim ah, laakin dawladihii waddanka soo maray burburkii ka dib waxay iska ahaayeen kuwa waxii loo yeeriyo iska qaata ayagoo danta ummadda u danaynaynin oo dantooda gaar ahaaneed fiirsanaayey. Tani way ka duwanaatay kuwaas, haddaba maxaa la gudboonaaday cadawga soomaaliyeed. Waxaa lacag fara badan la soo siiyey madaxweyne ku sheegayaasha qaarkood oo lagu amray inay khilaafaan go’aanka ay qaadatay dawladda soomaaliyeed.

Waxaa hubaal ah go’aanka caada qaatayaasha sheeganaaya madaxweyne goboleed waxba ka baddali maayo dhinaca sharciga caalamka u yaalo, dawladdaane soomaaliya qaanuun ahaan wax u soo qaadi karta ama diidi karta, wayna og yihiin cadawga taas, laakin hadafka laga leeyahay ayaa ah in la mashquuliyo xukuumaddaan oo laga mashquuliyo horumarka ay rabto inay hiigsato.

Bal fiiri Gaas oo sheeganaayo inuu yahay aqoonyahan, ayaa haddana ku eedaynayaa dawladda inaysan la tashan madaxweynayaasha maamul goboleedyada markay ka qaadatay go’aan dhexdhexaad ah carabta is haysata, iyadoo la ogyahy in arimaha dibadda, gaashaandhiga iyo maaliyadda looga dambeeyo dawladda. Waliba mudane Gaas wuxuu in muddo ah ku noolaa sida uu sheegayna professor ka ahaa jaamacadaha mareekanka, iyadoo la og yahay mareekanka inuu ka jiro ismaamul goboleed, laakin arimaha dibadda, gaashaandhiga iyo maaliyadaba madaxweyne Trump kala tashan maamul goboleedyada. Tan kale, waxaa igala yaab badanaa madaxweyne ku sheegayaasha markay dawladda go’aankeed ay khilaafayeen iyaga qudhooda lama tashan xukuumadahood iyo barlamaankood midnaba, waana tan keentay khilaafka maamulada ka dhex jira oo ay ku hadaaqayaan inay dawladda ka dambeyso, waxaane intaas u sii dheer inaysan kala xaajoon arintaas dawladda dhexe. Yaab!! Waa wiil rabo inuu u taliyo waalidkiis!!!.

Waxaan bogaadinayaa xukuumadda oo ka qaadatay go’aan adag arintaas waxaane kula talinayaa inay marna ka soo dibcin mowqifkeed.

Qolyahaan la soo adeegsatay waxay ku doodayaan inay soomaaliya ka maarmin xuklufada sacuudiga iyo imaaraadka angoo aan la lahayn wax xiriir ah dawladda qadar!!! Oohinta ka weyn orgiga..

Qoladaan waxaan u sheegayaa danta ay naga leeyihiin ayaa ka badan danta aan ka leenahay. Sacuudiga wuxuu xiyiraad saaray dhawr mar xoolahii aan u dhoofi jirnay, waliba wuxuu nala eeganaayey mar kasta oo aan qabno baahi dheeri ah, haddana waan ka noolnahay oo Ilaah nama baabi’in. Sacuudiga wuxuu soo tarxiilaa soomaalida oo dunida inteeda kale laga qaabilay. Intaas iyo in ka badan ayuu nagu sameeyey, haddana waa noolnahay. Dawladdeena hadday tiri waxba igama galin dagaalkiina ma dambi bay gashay! Mayee waxay ku heshay qadarin oo waa taa masar iyo sacuudigaba martiqaadka u fidinaayo madaxdeena, waxayna ogaadeen soomaaliya inaysan ehey tii ay burburka ka dib ay yaqaaneen…

Cadawgu fariisan maayo, waxaa Kismaayo laga qabanqaabiyey shir  si loo mideeyo maamul goboleedyada dhinaca la dagaalanka iyo hagardaamada ay ku wadaan dawladda. Waxaa loo soo maray hogaamiye aan is lahaa malaha asaga ayaa ugu macquulsan oo hardanka carabta weli uusan ka hadlin, waayo weli sumcad ayuu leeyahay oo kama hor imaan dawladda. Laakin hungurigu waa baas haddaadan rabi ka baqaynin, madoobe wuxuu ku dhacay dabinkii loo dhigay.

Durbadiiba, madashii waxay soo saareen in laga gardaran yahay oo waxaa la waayey mid yiraa war naga aamusa arintaan sax ma aha. Dawlladdii waxaa laga dhigay inay ka fara baxsatay oo go’aano aysan ka war qabin ay iska qaadatay. Waa yaabee, haddii ay u hadlayaan danaha ummadda ay wakiilka ka yihiin, sow dawladdaba kama mid aha kuwo iyaga la mid ah oo ka soo jeeda gobolada/qabiilada ay sheeganaayaan inay metalaan. Tan kale soo lama sameyn aqalka sare oo wakiil u ah maamulada oo la doonaayo inay danahooda u hadlaan marka la joogo heer federaal.

Waxaa xigi doona qoladaan damacooda inay isku raacaan in la soo celiyo madashii qaranka oo aan meelna kaga jirin dastuur beenaadka iyo qaanuunka caalamiga ah iyadoo ay noo dhisan yihiin barlamaan iyo aqal sare.

Akhristow adigoo raali ah sow ma cadda in loo tartamaayo dhuuniga qurunka ah ay imaaraadka siinayso caada qaatayaashaan.. Allow soo hanuunin kuwaan karaamada beelay.. yaa rabbi yaa sataar…

Akhritow ila daawo heestaan oo I xusuusinayso waxa hadda jira, waxaane la qaaday waa hore.

“ma doonayaanee inaynu dawlad ahaanow

Maba doonayaanee inaynu dawlad ahaano

Ayaan doonaynin

Kuwii dhiigeena durdurin jiray, kuwii danahooda samaysan jiray

Aynu dilno aynu dagaalnee ka digtoonaada dadka dalkayagow”

W/Q: Eng. Cabdiasiis C. Muxammad