Kuuriyada Waqooyi oo “xaday qorshaha duullaanka” Mareykanka

Seoul (Caasimadda Online) – Burcadda internet-ka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in ay xadeen warqado aad u badan oo sir militari ay ku qoran tahay.

Waxaa la sheegayaa in sirta ay ka mid ahayd qorshe lagu dili lahaa hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong-Un.

Dukumiintiyada la qaaday waxaa ku qornaa xilliga duullaanka iyo qalabka dhameystirkooda oo ay ka wada shaqeeyeen Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Sidoo kale waxay la sheegayaa in saraakiil sare oo labadaa dal saaxiibo la ah ay qeyb ka ahaayeen qorshaha.

Wasaaradda difaaca Kuuriyada Waqooyi ayaa diiday in ay ka hadasho arrinta la faafiyay.

Qorshaha ciidamada gaarka ah ee Kuuriyada Koonfureed ayaa la sheegay in si fudud lagu baxsaday. Waxaa la xaday qorshayaasha muhiimka ah iyo sida qalabka militariga uu noqonayo.

Mr Rhee oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kuuriyada Koonfureed, ahna madaxa guddiga difaaca ee Baarlamaanka. Wuxuu sheegay in 235 GB oo sir militari ah, lagala baxay kombuutarada waaxda difaaca. Boqolkiiba 80 lama garanayo cidda la baxday.

Weerarka internet-ka wuxuu dhacay bishii September ee sanadkii tagay. Bishii May ee sanadkan, maamulka Seoul wuxuu sheegay in sir aad u badan laga baxsaday qalabkooda.

Xilligaa waxay ku eedeeyeen Kuuriyada Waqooyi in ay ka dambeyso weerarka dhanka internet-ka ah. Balse weli sharaxaad kama aysan bixin waxa dhabta ah ee la xaday.

Maamulka Pyongyang ayaa beeniyay eedahaa loo jeediyay.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap ayaa sheegtay in maamulka Seoul uu bartilmaameed u noqday weerarada internet-ka ee Kuuriyada Waqooyi, dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Inta badan, waxa loo dhacay xarumaha dowladda iyo baraha ay online-ka ku leeyihiin, sida wakaaladda ay ku warrantay.

Donald Trump and Kim Jong-un
 Trump iyo Kim ayaa aflagaado hawada isu mariyay

Waxaa la aaminsan yahay in maamulka Kim Jong-un uu leeyahay dad si wanaagsan loo tababar oo u dhici kara kumbuyuutarada oo ku nool daafaha caalamka sida dalka Shiinaha.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dalka deriska la ah ee Koonfurta ku eedeysay in eedo ay been abuurtay.

Warka hadda soo baxay ee sheegaya in Pyongyang ay la baxday sirta dagaalka ee Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed waxba kama bedeli doono xiisadda u dhexeysan dhinacyadan.

Washington iyo Pyongyang waxay dhowaanahan is dhaafsanayeen hadallo adag oo ka dhashay barnaamijka nukliyerka Kuuriyada Waqooyi.

Trump ayaa doonaya in Kim uu joojiyo tijaabada joogtada ah ee uu ku sameeyo madaafiicda, taas oo Kim uu diiday, wacadna ku maray in uu sii wadi doono.

XIGASHO: BBC