Dhageyso: Wariyaasha Galmudug oo laga mamnuucay tebinta wararka ka dhan ah maamulka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaarada War faafinta Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa maanta soo saartay Go’aano iyo digniin ku socota Warbaahinta Iyo Wariyaasha Ka Howlgala Deegaanada Galmudug.

Agaasimaha Qeybta Warbaahinta Wasaarada Warfaafinta Galmudug Maxamed Xasan Sahal Faynuus oo  la’hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay go’aanda ay soo saareen

Waxa uu  sheegay in magaalada Cadaado ay ku suganyihiin Dad uu ku sheegay  Qaswadayal Doonaya inay duminayaan Galmudug Awooda Ay Adeegsanayaana ay tahay Warbaahinta Waxuuna Warbaahinta Ugu Baaqay Inay ka digtoonaadan Sideenta Wararka ay Dadkaasi Warbaahinta Siiyaan.

Sidoo kale Wasaarada Warfaafinta Galmudug yaa Sheegay In Wariyihii u hogaansami waaya Go’aanada iyo amarada ay soo saareen ay sharciga la’tiigsan doonaan.

Ugu Danbeentii waxa ay Wasaarada warfaata Baaq U Dirtay Warbaahinta Deegaanada Galmudug  oo ay Ugu baaqday inay ixtiraamaan Maamulka oo si dhaxdhaxaad nimo ah u shaqeeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com