Akhriso Guddiga doorashooyinka Somaliland oo soo bandhigay tirada guud ee cod bixiyeyaasha  

Hargeysay (Caasimadda Online) – Guddiga doorashada Madaxtinimada Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay tirada dadka xaqa u leh in ay ka qeyb galaan doorashada Somaliland ka dhaceysa Bisha soo socota.

Guddiga doorashada ayaa soo bandhigay tirada dadka Codeynayaiyo gobollada ay ka imanayaan iyada oo Gobolkasta degmooyinkiisa loo sameeyay dadkii iska diiwaan geliyay islamrkaana la sheegayo wadarta Gobol kasta ka codeyneysa.

Guddigu waxaa ay sheegeen in tirada rasmiga ah ee isu diiwaangelisay doorashada Madaxtinimada Maamulka Somaliland ay gaareyso  704,089 Qof,kuwaas oo ka qeyb geli doona doorashada.

Doorashada Madaxtinimada Somaliland waxaa ay dhaceysaa 13ka Bisha November ee soo socota,waxaana ku tartamaya xubnaha kala ah C/Raxmaan Cirro,Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe oo kala matalaya Xisbiyada Waddani,Kulmiye iyo Ucid.

Olole doorasho oo aad u kulul ayaa xilligan ka socda magaalooyinka iyo deegaanada Somaliland, iyadoo musharaxiinta saddexda xisbi ee Wadani, Kulmiye iyo Ucid ay ku guda jiraan ololahoodii u dambeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com