26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Maxaa ka run ah arrinta ay sheegtay Puntland ee Xasan Sheekh iyo Reer Galbeedka?

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku andacooday in beesha caalamka ay si tartiib tartiib ah uga niyad jabsaneyso dowladda federaalka ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho, xilli ay Mareykanka iyo Boqortooyada Midowday (UK) ay sare u qaadayaan iskaashiga tooska ah ee ay la leeyihiin Puntland, gaar ahaan laamaha amniga iyo la-dagaalanka argagixisada.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Cadiid Dirii, ayaa sheegay in daneeyayaasha caalamiga ah ay ka daaleen hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Beesha caalamka aad bay uga niyad jabsan tahay,” ayuu yiri Dirir oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah. “Waxay leeyihiin ‘Kalsoonidii Xasan Sheekh waan ka quusnay. Waxaan bilownay inaan ka fogaanno. Sirdoonkana laguma aamini karo Villa Somalia.’”

Inkasta oo uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo ku saabsan hadalladiisa, hadana war-saxaafadeedkiisa wuxuu muujinayaa khilaaf siyaasadeed oo sii qoto-dheeranaya oo u dhexeeya Puntland iyo dowladda dhexe, taasoo ay salka ku hayaan muranno muddo soo jiitamayay oo la xiriira awood qeybsiga dastuuriga ah iyo isu-dubbaridka amniga.

Dirir wuxuu tusaale u soo qaatay daadin ciidan oo Mareykanku dhawaan ka fuliyay buuraleyda Golis, taasoo uu ku tilmaamay tixgelin gaar ah oo reer Galbeedku siinayaan Puntland.

“Waad aragteen dhowaan — diyaarado Mareykan ah ayaa agab u daad gureeyay ciidamadeenna ku sugan buuraleyda ugu sarreysa,” ayuu yiri isagoo tixraacaya howlgallo ka socda gobolka Bari ee waqooyi-bari Soomaaliya, halkaas oo ciidamada Puntland ay dagaal kula jiraan garab ka tirsan kooxda Daacish (ISIS) oo si xoog leh ugu sii fadhiyo deegaanka.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (U.S. Africa Command – AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in ay dhowaan siiyeen taageero dhanka agabka ah ciidamada iskaashiga la leh ee Soomaaliya, hase yeeshee ma caddeynin in ciidamadaasi ay hoos tagaan dowladda federaalka ama maamulka Puntland.

Tan iyo dabayaaqadii 2024, Puntland waxay hoggaaminaysay howlgallo waaweyn oo ka dhan ah kooxda ISIS-Somalia, kuwaas oo loogu magac daray “Hawlgalka Hilaac”, iyadoo la beegsanayo fariisimo adag oo kooxdaasi ku leedahay buuraleyda Cal Miskaad. Dowladda Mareykanka ayaa howlgalkaasi ku garab siineysay xog sirdoon, taageero farsamo iyo duqeymo sax ah.

Falcelinno ay sameeyeen falanqeeyayaal amni ayaa muujinaya in awoodda ISIS-Somalia ay si weyn u daciiftay sannadkii tegay, iyadoo haatan lagu qiyaasayo in aysan ka badneyn kun dagaalyahan. Howlgalladii ugu dambeeyayna waxaa ka mid ahaa weerarro qorsheysan, qabashada hub, iyo burburinta shabakadaha maaliyadeed ee maxalliga ah.

Diiri wuxuu sheegay in beesha caalamka, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK, hadda u arkaan Puntland inay tahay “saaxiib lagu kalsoonaan karo” oo kaalin muuqata ku leh dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah argagixisada.

Dowladda Federaalka wali waa saaxib rasmi ah

Inkasta oo Puntland ay sheeganayso kalsooni beeleed, AFRICOM waxay si joogto ah u muujisay in dhammaan hawlgallada ay ka fuliyaan Soomaaliya lagu fuliyo “iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Duqeymo Mareykan ah oo lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ISIS ah bishii Abriil iyo bishii Juun ee sanadkan ayaa si cad loogu sheegay in lagu saleynayay qorshe wadajir ah oo lala sameeyay mas’uuliyiinta federaalka.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay weli helaysaa taageero ka imaanaysa barnaamijyo ay maalgelinayaan reer Galbeedka, oo ay ku jiraan tababarka ciidamada, maalgelinta la-dagaalanka argagixisada, iyo wadaagista xogta sirdoonka.

Iyadoo ay kor u kacday xiisadda u dhaxeysa Puntland iyo Muqdisho — gaar ahaan tan iyo markii Puntland ay joojisay aqoonsiga dowladda federaalka horraantii 2024 — haddana ma jirto wax caddeyn ah oo muujinaya in beesha caalamku si rasmi ah uga laabatay taageeradii dowladda dhexe.

Sheekada Puntland waxay u muuqataa dadaal lagu xoojinayo sawirkeeda ah inay tahay lama huraan nabadeed iyo saaxiib amni oo lagu kalsoonaan karo, xilli ay dalka ka taagan yihiin burbur siyaasadeed iyo kala qaybsanaan maamul. Puntland ayaa muddo dheer ku eedeyneysay dowladda Muqdisho inay xadgudub ku heyso awood qeybsiga, gaar ahaan arrimaha difaaca iyo khayraadka dabiiciga ah.

“Puntland waxay isku dayaysaa inay isku muujiso in ay tahay saaxiibka koowaad ee la isku halleyn karo ee reer Galbeedka,” ayuu yiri Maxamed Mubaarak, oo ah falanqeeye amni oo fadhigiisu yahay Nairobi. “Laakiin reer Galbeedku wali waxay ku socdaan dhuuxa duntu marayso, iyagoo isku dheelli tiraya xiriirka ay la leeyihiin dowladda dhexe iyo maamullada gobollada.”

Xilli ay Soomaaliya wajahayo jahawareer siyaasadeed gudaha ah iyo halis joogto ah oo argagixiso, Puntland waxay dadaal ugu jirtaa in guulaha ciidan ay ku kasbato kalsoonida caalamka. Inkasta oo hoggaamiyayaasheedu ay sheegayaan in Villa Somalia ay lumisay kalsoonida caalamka, haddana xaqiiqada dhabta ah waxay muujinaysaa sawir ka adag, mid ay beesha caalamku si is barbar socda ula shaqeyso labada heer — federaal iyo goboleed.

- Advertisement -

Read more

Local News