Maxaa ka run ah arrinta uu Mahad Salaad ka sheegay DF Soomaaliya, Imaaraadka Carabta, Sacuudi iyo Masar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiriirka dhinaca caalamiga ah ee Soomaaliya.

Mahad Salaad ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay qaaday afartii sano ee la soo dhaafay tallaabooyin ka dhan ah dowladaha Masar, Sucuudiga iyo Imaaraadka, iyada oo is xijineysa Qatar, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in diblumaasiyiinta dowladahan ay albaabada ka xirteen madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay bilaabeen inay raadiyaan diblumaasiyiinta dalalkaasi, oo uu sheegay inay muhiim u ahaayeen dhanka waxbarashada, ganacsiga, xajka, diblumaasiyadda iyo xiriirka taariikheed.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in go’itaanka xiriirka ay Soomaaliya la laheyd saddexdan dal ay sabab u ahaayeen madaxweynaha iyo taliyaha NISA.

Halkan hoose ka aqriso:

Fahad iyo Farmaajo cabsi miyaa taabatay mise taladii Qatar ayaa meesha ka baxday?!

Dowlada Farmaajo hoggaamino safiiro uma joogaan sadexda dowladood ee kala ah Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka. Dowladahaan ayaa ah kuwa ugu muhiimsan dadka Soomaaliyeed dhanka Waxbarashada, Ganacsiga, Xajka, Diblomaasiyadda iyo Xiriirka Taariikheed.

Maanta oo muddo xileedka Farmaajo ka harsantahay 3 bilood ayuu bilaabay in uu dabo cararo diblomaasiyiintii albaabada  laga furi diiday afartii sano ee la soo dhaafay. Xiriirka xumaaday ee wadamadaan Soomaaliya kala dhaxeeyay ayaa waxaa sabab u ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nabad Sugida Fahad Yaasin oo ku jaan goynayay amarada iyo talooyinka gurracan ee uga imaanayay dalka Qatar oo iyaga ruuxooda xiriir aan la lahayn sadexdaan dal.

Haddaba Su’aashu waxay tahay Farmaajo iyo Fahad hada miyay ogaadeen muhiimada dalalkaan Soomaaliya u leeyihiin mise amaradii Qatar ayaa meesha ka baxay?!

Sawiradan waa safiirka Masar ee Soomaaliya u qaabilsan oo lagu qaabilayo Madaxtooyada, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaarado kale.

Hon. Mahad Salad