Sawirro: Sheekh Shariif oo dalab hordhigay odayaasha dhaqanka ee HirShabeelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar ee caasimada Hi rShabelle ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaasi.

Shariif ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaanada labaad ee baarlamaanka HirShabelle, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ah mid is-xog wareysi ah, waxaana sidoo kale lagu soo qaaday dhismaha maamulka HirShabelle.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dalab culus hordhigay duubabka dhaqanka, wuxuuna ka codsaday inay ka soo qeyb-galaan golgol dib u heshiisiin ah oo uu dhigayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Waxaan idinka codsanayaa in dib u heshiin la dhex dhigo beelaha dega Hirshabelle ka hor inta aan la galin doorashada Hirshabelle,”ayuu yiri SHeekh Shariif Sheek Axmed.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Shariifka uu doonayo in xal waara laga gaaro kursiga madaxweynaha oo ay isku heystaan beelaha Xawaadle & Abgaal, si loogu tartamo, islamarkaana ay noqoto doorashada mid loo dhan yahay oo xor iyo xalaal ah.

Safarka uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku tegay Jowhar oo ay ku wehlinayaan xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran iyo xildhibaano ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay dhammeynta tabashada ka taagan dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle.

Dadaallada uu wado Sheekh Shariif ayaa ku soo aadayo, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dhankeeda qorshe gaar ah ka wadato dhismaha HirShabelle, waxaana shalay ay soo dhoweysay soo xulista xildhibaanada labaad ee baarlamaanka maamulkaasi.