25.1 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Maxaa ka run ah arrintii uu Camey ‘kusoo arkay xarunta Xalane’?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Maaulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey, ayaa shalay shaaca ka qaaday arrimo yaab leh oo uu sheegay inuu kusoo arkay magaalada Muqdisho.

Camey, ayaa sheegay in Somalia ay ka taliso Laba Dowladood oo Dowlada koowaad ay tahay tan reer galbeedka, halka Dowlada labaadna ay tahay tan Somalia, balse tan reer galbeedka ay tahay dan ugu sarreysa dalka

Camey, waxa uu sheegay in nasiib darro ay tahay in Dowlada Somalia aysan ka talin dalkeeda, maadaama aysan iska dhicin karin ama diidi karin amarada Safiiradaha ku sugan Somalia.

“Waxaan aad uga gubtay inta aan ku sugnaa Muqdisho in gabar yar oo Safiir ah ay farta ugu yeerto Madaxdii ugu sareysay dalka oo iyaguna ay adeecan”

“Qofkii damiir leh wey ku adag tahay inuu daawado dhaqanka noocaasi ah waxa ay Madaxdu ka tageen xishoodka iyo dadnimada maaha wax dhicikara in Madaxweynaha dalka ay farta ugu yeerto gabar xun oo Safiir ah”

Camey, waxa uu Madaxda dalka ugu baaqay ineysan ka tagin dhaqanka iyo dadnimada, waxa uuna meesha ka saaray inay jirto mas’uul ka danqanaaya arrinkaasi foosha xun.

Balse su’aasha waxa ay tahay maxaa ka jira dhammaan arrimaha uu Camey ka sheegay xaalka siyaasadda Soomaaliya.

Midda koowaad, shaki kuma jiro in beesha caalamka ay saameyn xooggan ku leedahay go’aanada Soomaaliya, balse waxaa is-weydiintu tahay maxaa joojiyey meeshii ay gabar yar farta ugu yeertay madaxda dowladda Soomaaliya.

Hadalka Camey ma u muuqan karaa mid ka bad-badis ah. Inkasta oo ay jirto in beesha caalamka saameyn ku leedahay siyaasadda Soomaaliya, haddana waxaan marar badan aragnay in dowladda ay sameysay waxyaabo aysan ralai ka ahayn beesha caalamka.

Waxaa muuqata in eedeymaha Camey laga leeyahya dano kale, maadaama ay u muuqdaan kuwo aad loo buun buuniyey.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News