Somaliland oo baaritaanno ku billowday ajaaniibta iyo qorshaha oo…

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka magaalada Hargeysa ayaa billaabay baaritaano lagu xaqiijinaayo dadka Ajaaniibta ah ee ku sugan deegaanada maamulka Somaliland.

Ciidamada ayaa baaritaanka ugu adag ku haya ajaaniibta Cadaanka ah, kuwaa oo ay ciidamadu weydiinayaan Aqoonsiga iyo Warqadaha ay ku joogaan deegaanada maamulka.

Ciidamada ka howlgala waddooyinka Hargeysa ayaa joojinaaya gaadiidka ay wataan dadka Ajaaniibta ah kuwaa oo wax laga weydiinaayo xiliyada ay magaalada soo galeen, waxa ayna sidoo kale weydiinayaan sharciyada ay magaalada ku joogaan.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in baaritaanka cusub oo ay billaabeen Ciidamada uu yahay mid lagu xaqiijinaayo amaanka deegaanada maamulka.

Deegaanada maamulka Somaliland ayaa waxaa jooga ajaaniib badan oo xirfadleyaal ah kuwaasoo u shaqeeya Hay’adaha caalamiga ah ee samafalka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com