Hogaamiyaha mucaaradka Ethiopia oo lagu helay kiisas argagixisonimo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa sii adkeysay Dacwada lagu Maxkamadeynaayo Hogaamiyaha mucaaradka Ethiopia ahna Gudoomiyaha Oromo Federalist Congress (OFC), Dr Merera Gudina.

Dowlada Ethiopia ayaa ka hortimid dammaanad maxkamad oo lagu sii daayo Hogaamiyaha Mucaaradka kaa oo lagu eedeeyay in kulan Khaas ah dabayaaqadii sanadkii tagay la qaatay Mas’uuliyiin kasoo horjeeda Dowlada Ethiopia.

Dr Gudina ayaa wajahaya dacwado argaggixisanimo oo dhanka Dowlada Ethiopia uga timid kadib markii la helay Cadeymo sawirro u badan oo laga helay kulanka Khaaska ah oo uu la qaatay Mas’uuliyiinta Mucaaradka xili uu safar ugu baxay mid kamid ah dalalka Yurubta.

Qoraal lagu daabacay cadadka Wargayska Addis Standard ayaa waxaa lagu sheegay in Maxkamadu ay muddo 28 maalmood oo lasiiyay dacwad soo oogayaasha si ay uga fiirsadaan Kiisaska dheeriga ah ee lagu eedeeyay Dr Gudina.

Wargayska Addis Standard, waxa uu sidoo kale sheegay in Qareenada u doodaayay Dr Gudina, ay ku guul dareesteen in Hogaamiyaha mucaaradka Ethiopia lagu sii daayo Daamaantay inta ay isaga soo laabanayaan Maxkamada iyo dacwad soo oogayaasha.

Dhinaca kale, Maxkamada, dacwad soo oogayaasha iyo Hogaamiyaha mucaaradka Ethiopia ayaa lagu wadaa inay dib isugu soo laabtaan 28 maalmood kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com