Jigjiga (Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, oo ku sugan magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia ayaa ku soo warramaya in magaalada ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeeyay ee loogu jirro sheegaya xuska qowmiyadaha dalka Ethiopia.
Wariyaha ayaa soo sheegaya in magaalada ay ku soo qulqulayaan madax ka socota caalamka, kuwaasoo doonaya in ay ka qaybgalaan xuska maalintan oo 9-ka bishan ka billaabanaya magaalada Jigjiga.
Madaxda ka qaybgaleysa waxaa ka mid ah wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, waxaana hoggaaminaya ku simaha wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdulaahi Cimooge Xirsi, madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo hoggaamiyha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Wariyaha Shabakadda Caasimada Online, ayaa sidoo kale soo sheegay in madax Afrikaan ah ay ka qayb-gali doonaan xuska.
Amniga magaalada uu xuska ka dhacayo ee Jigjiga oo ah xarunta dowladda deegaanka Soomaalida ayaa lagu soo warramayaa in aad loo adkeeyay.
Magaalada Jigjiga ayaa markii ugu horreysay marti-galinaysa 9-ka Maamul ee Ethiopia, taasoo maalinta berrito ah ka furmaya xaflad loogu dabaaldegayo qowmiyadaha Ethiopia oo sanad walba gobol gaar ah lagu qabto.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Jigjiga
Caasimada@live.com