29.9 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Mid ka mid ah culimada ugu caansan Somalida oo ay maxkamad ku socoto

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Farriin ka timid Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America

Minneapolis – Caasimada Online) –  Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga AmericaMahad oo Dhan Allaah Ayey u Sugnaatay Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato..Intaa ka dib:Walaalayaal Meel Kastoo aad Joogtaan Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America, Saldhigiisuna yahay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnessota, wuxuu idinku war gelinayaa in mudda ahba iney socotey dacwad Dawladda Maraykanku ku soo oogtey Daacigeenna Macruufka ah ee bulshada Soomaaliyeed wada taqaan, Sh. Maxamed Idris Axmed, Taasoo Nuxurkeedu yahay : (In Maxkamaddu Dawladda u ogolaato iney kala noqoto Sheekha waraaqaha aqoonsiga Maraykanka (Citizenship), una ogolaato wixii kaloo talaaba ah iney ka qaaddo).

Dacwaddu wexey bilaabatay Oct 2012, wexeyna hadda maraysaa heerarkeedi ugu cuslaa.

Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America, oo Sheekhu raggii asaasay ka mid yahay, wuxuu Sheekha u Qabtay 2 Qareen oo Dacwadda Difaaca, ilaa haddana dacwadda waxaa ku baxday lacag gaareysa $ 50,000.. waxaana la odorosayaa dacwaddu iney dheeraato, kharashka ku baxayana lagu qiyaasay $ 250,000.

Sheekh Maxamed Idiris
Sheekh Maxamed Idiris

Hadaba Maadaama kharashku badan yahay, dadka Sheekha Jecelna adduunka ku baahsan yihiin, wuxuu Goluhu furay Sanduuq la yiraahdo: ( Sanduuqa Difaaca Sh. Maxamed Idris Axmed) wuxuuna u xilsaaray maamulka iyo ururinta xamladda guddi imaamya ah oo kala ah:

1) Sh. Axmed Nur Gudd. ku xig. Golaha Shurada/Imamka Masjid Abubakr,S

2) Sh. Abdullahi Abulfadli Gudd. Golaha Fulinta Majliska

3) Sh. Cabdirisaq Xashi Imaamka Masjid Abubakar, Minneopolis

4) Sh. Adam Sh. Cabdille Imaamka Masjid Ibnu Taymiyah, Columbus, OH

5) Sh. Xuseen Guuleed Imaamka Masjid Taqwa, Columbus, OH

shmaxamedWaxaa Goluhu ugu baaqayaha Dhammaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee Jecel Sheekha iyo Dacwada Islaamka uu u adeego, Dhamaan Masaajidda Soomaalidu u quntay adduunka ee Sheekhu Qayb weyn ka qaatay, iney ka qayb qaataan Sanduuqa Difaaca Sh. Maxamed Idiris, wexeyna kusoo Xawili Karaan:

1) Dhammaan Xawaaladaha Soomaaliyeed, ee Minneapolis ayadoo lagu soo qorayo:

1) Golaha Imaamyada Soomaaliyeed Waqooyiga America Tel, Xaf: 612-874-0665

2) Sh. Abdirahman Sh. Cumar Gudd Shuurada Golaha

3) Sh. Cabdullaahi Abulfadli Gudd Fulinta Golaha

Dhammaan Xawaaladaha Soomaaliyeed ee Minneapolis, Minnessota.

2) Bangiyada oo Toos loogu soo shubi Karo, Sanduuqa Difaaca Sheekha

North American Council of Somali Imams

Legal Fund Wells Fargo Bank, Minneapolis A/C. No. 9348152092 swift Code: WFBIUS6S

3) ONLINE qofkii usoo Tabarucaya Shakhsi ama Masjid, Credit & Debit Cards

Wuxuu booqanaya Bogga Difaaca Sh. Idris:  shidrislf.com .

Wuxuu tegayaa meesha ay ku qorantahay: Donate, kadib, lacagta ayuu ku qorayaa, kadibna kaarka.Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu Sheekha Cimrigiisa Barakeeyo, Dacwadiisa iyo Camalkiisana Mubaarak ka dhigo meel kastoo uu joogo, isaga iyo dhamaan Culimadeenna Soomaaliyeed, Wixii shar la doonana Shartooda ku celiyo, Ducada oo ah Hubkeenna ugu weynna yaan laga daalin..

Wassalamu Calaykum Wr Wb,

Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America

Cabdullaahi Abdulfadli

Guddoomiyaha Fulinta

- Advertisement -

Read more

Local News