Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka saaka naga soo gaaraya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi ay tahay mid degan kadib markii dagaal culus uu shalay ku dhexmaray maleeshiyo beeleed halkaasi wada dega.
Maleeshiyaadka ay dirirtu u dhexeyso ayaa isku horfadhiya xaafado ku yaalla magaalada Caabudwaaq, waxaana suuragal ah in halkaasi uu ka dhaco dagaal, balse hadda waxa uu jawigu yahay mid degan.
Dagaalka ayaa markiisa hore ka bilowda aanooyin qabiil waxa ayna labada beel horay isaga dileen dhowr qof, taasi oo u sabab ah in dagaalka uu soo laalaabto.
Dagaalka ka dhacay Caabudwaaq ayaa waxaa ku dhimatay 7 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa 10 kuwaasi oo u badnaa beelaha ay dirirtu u dhexeyso.
Geesta kale, Maamulka Caabudwaaq ayaa ku fashilmay hakinta Colaada soo laalaabatay ee labada Maleeshiyo beel ka dhexeeya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

