Maxaa ka soo kordhay kiiska xildhibaanadii Puntland?

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dib u dhigtay dhageysiga kiiska loo heysto sideedii xildhibaan ee ay dhowaan kalsoonida kala noqdeen mudahayaasha golaha wakiilada ee maamulkaasi.

Dhagesiga dawacdda loo heysto xildhibaanadaasi ayaa lagu waday inay maanta oo Khamiis ah ka bilaabato maxkamadda sare ee Puntalnd.

Sidoo kale maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in dacwadan dib loo dhagaysan doono maalinta Sabtida ee soo socota oo filayo inay ku dhawaaqdo go’aan kama dambeys ah.

Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa sidoo kale aqbashay codsi ay soo jeediyeen qareenada difaacayey xildhibaanada oo dalbaday in la siiyo fursad kale.

Xildhibaanada la maxkamadeynayo ayaa kala ah:- Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore), Muuse Siciid Xassan, Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud iyo Maxamuud Axmed Caalin, kuwaas oo ka soo horjeeday guddoomiyaha baarlamaanka Puntland

Ugu dambeyn Nuur Ciise oo haatan ah ku simaha guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulka Puntland oo fadhiga maanta goobjoog ahaa ayaa ka dalbaday garyaqaanka Puntland iyo qareenada u doodaya xildhibaanada inay ilaaliyaan waqtiga loo qabtay.