Maxaa kaa qarsoon oo ka jira dekedda Muqdisho (Sir xasaasi ah oo yaab leh)

Dekedda Magaalada Muqdisho waxaa ka jira mid ka mid ah dhiig miirashooyinka laga argagaxo ee ka jira dalka Soomaaliya. Musuqmaasuqyada ka jira Muqdisho oo Masuuliyiinta DF Soomaaliya maamusho ma ahan kuwo halkaan lagu soo koobi karayo. Muqdisho waxaa jooga Xildhibaano, Wasiiro iyo shaqaale Dawladda Federaalka oo usoo shaqo tagay iyo kuwo reer Muqdisho ah-ba oo boob ku haya magaalada, inta ku lugta leh boobka hantida Muqdisho iyo wax is daba marinta iyo dhiigmiirshada xoogsatada ma ahan kuwo doonaya inuu isbedel yimaado.

Marka aan intaa uga gudubno Musuqmaasuqa guud, dhaca baahsan iyo cadaalad darada heysata shacabka Muqdisho manta waxaan halkaan kusoo bandhigeynaa waxyaabaha qarsoon ee Dhiigmiirashada ah ee ka jira Muruqmaalka Dekedda Muqdisho:-

• Muruqmaalka Lagu sheegayo 5-ta Kun ee Magac ahaanta uga diiwaan gashan Dekedda Muqdisho ma ahan kuwo jira oo ah Xamaaliga saxda ah, 5-taan kun waxaa iska leh shaqsiyaad caan ah uu midba tiro leeyahay ayna haboon tahay in magacyadooda lasoo bandhigo, Dadka iska leh oo dhiigmiirta Xamaaliga Dekedda Muqdisho waxaa kamid ah Maareeyayaashii hore ee Dekedda Muqdisho, kuwo hadda jooga, odoyaal dhaqameed caan ah oo aadan ka filaneyn, Agaasimayaal Guud oo Dawladda u shaqeeya, Maamulka kuwo Dhiigmiirta Muruqmaalka dhabta ah, Ganacsato Caan ah oo Malaayiin Doolar heysta, Xubno kasoo mid noqday Golayaashii wasiiradda dalka. Dadkaan caanka ah oo Muqdisho laga yaqaano oo iska leh muruqmaalka lagu sheego 5-ta kun qof kuma jiro mid muruqmaal dhab ah oo xoogiisa ku Xamaasha!

• Dadkaan iska leh 5-ta kun waxaa u shaqeeya oo ay kala bar ka qaataan wixii ay xoogsadaan tiro ka yar 400 qof oo ah xamaaliga joogtada uga shaqeeya Dekedda Muqdisho, Xamaaligaan Joogtada ah wuxuu u shaqeeya dadka iska leh 5000 qof oo uusan ku jirin mid xamaali ah. Afarta boqol oo Xamaaliga joogtada ah waxay markasta leeyihiin kala bar (50%) wixii ay shaqeeyaan, kala barka kale (50%) waxaa iska leh dadka iska leh 5-ta kun oo qofood, Lacagtaan kala barka ah ee laga reebanayo xoogsatada muqdisho hadba waxaa qaata qeyb ka mid ah dadka iska leh 5-ta kun oo qofood!

• Qaadashada dhididka Xoogsatada Dekedda Muqdisho waxaa maamula kuwo isku sheega Masuuliyiinta Xoogsatada Dekedda Muqdisho. Kooxdaan maamusha dhiigmiirashada dhididka xoogsatada Muqdisho waxay 5-ta kun u qeybiyeen qaab wareeg ah (Shift) oo markiiba ay shaqeynayso tiro qiyaastii ah 400 qof , Qaabkaan wareega ah waxaa looga dhigay si lacagta laga jarayo Xoogsatada dhabta ah u gaarto dadkii lahaa boosaskaan 5-ta kun oo qofood ah oo tiro ahaanta u jira!

• Ayaandarada jirtaahi waxaa ay tahay dadka lasoo banaan bixinayey Maalmihii lasoo dhaafay waa 400 oo qof oo ahayd xoogsatada dhabta ah, oo ay gadaal kasoo riixayeen dhoogmiiratadii lahayd boosaska xoogsatada iyo kooxdii maamuli jirtay qaabkaan lagu sheegi karo adoonsiga ee ka jiray Dekeda Muqdisho.

• Shirkada lagu wareejiyey Dekeda Muqdisho oo laga leeyahay Dalka Turkey waxaa ay u yeertay Xoogsatada dhabta ah ee ka hawl gala Dekedda Muqdisho, Wareegii ama shift-gii ay doonaan haba shaqeeyaane, waxaa soo xaadiray oo kaliya tiro ku dhow 400 qof, kuwaa oo ah xoogsatada dhabta ah, Masuuliyiinta Al-Bayrak waxay u sheegeen Xoogsatada in ay gebi ahaan qaadan doonaan lacagtii ay heli jireen bishii mid aad uga badan, sida ay u kala shaqeynayaan iyo hadba inta loo baahan yahayna maamul loo sameynayo. Xoogsatadii ilaahey xaqoodii soo bixiyey oo laga reebay kuwii la qeybsan jiray dhididkooda waxaa isugu yeeray Kooxdii horey u maamuli jirtay Dhiigmiirashada Xoogsatada iyo qaar kamid ah kuwii iska lahaa 5-ta kun oo boos, Kuwaas oo ah Kuwii cunayey dhididka sanooyin badan oo lasoo dhaafay, Masuuliyiintii dhiigmiirashada Xoogsatada dhabta ah waxay u sheegeen “haddii Company-ga Turkey-ga ee Al Bayrak la wareego Dekedda in dhamaan shaqada laga saari doono shaqada oo Dekedda Muqdisho ka shaqeyn doonaan oo kaliya Turkey”.

Su’aasha is weydiinta mudan waxaa ay tahay maxaa Xildhibaanada ku mashquuliyey kaliya company-yada dhisaya dalka oo horumarinaya Dekedda iyo Garoonka Muqdisho oo aysan weligood uga hadlin Xoogsatada Dekedda Muqdisho oo la dhiig miiranayo?.

Sidoo kale Barnaamijka la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqaday ma noqon doonaa mid banaanka soo dhiga Musuqmaasuqyada ka jira Wasaaraddaha DF Soomaaliya?, Musuqmaasuqa ka jira Tirada saxda ah ee Ciidamada Booliiska, Milateriga Mushaarkooda iyo Saadkooda?, Musuqmaasuqa ka jira Shaqaalaha dawladda aan jirin ama aan shaqeyn ee lagu lunsado hantida Dalka? Musuqmaasuqa ka jira qorista shaqaalaha dawladda? Musuqmaasuqa ka jira Bank-ga DF Soomaaliya? Musuqmaasuqa iyo Lunsashada ka jirta sameynta Baasaboor Soomaaliga?, Leysinka Baabuurta?, Book-ga Baabuurta?, Taargada Baabuurta?, Lacagaha Diiwaangelinta Wasaaradaha? iyo kuwo kale oo aad u fara badan.

Qeybta daba-galka ee Caasimada Online