Maxaa kaga baxay SAWIR gacmeedka cusub ee lagu muujiyay arrinta SHARIIF XASAN uu wado?!

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha kasoo jeeda gobalka Bakool, ayaa dhaliilsan qaabka uu Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan u wado xulista Baarlamaanka Maamulka.

Gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobalka Bakool Maxamed Xasan Maxamuud, ayaa daboolka ka qaaday in Madaxweynaha Maamulka uu Siyaasado aan wanaagsaneyn kula dhaqmaayo beelaha qaar, waxa uuna sheegay in xulista Baarlamaanka uu u gacan galiyay beelo gaar ah oo uu isagu wato.

Waxa uu cadeeyay in Odayaasha Barnaamijka xulista gacanta kula jiro ay yihiin kuwo si gaar ah ugu adeegaayo Shariif Xassan, taasina ay keentay in Xildhibaanada ay hal dhinac u bataan amaba ay noqdaan kuwo daacad u ah Shariif Xassan.
sakiin
Sidoo kale, Maxamed Xasan ayaa cadeeyay inay jiraan beello badan oo deggan gobaladaasi oo la qadiyay, halka kuwo kalena loo sadburiyay, taasina ay cadaalada ka fog tahay, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaannada Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa kama dambeys lagu wadaa in la shaaciyo 20-ka Bishan iyada oo beelo badan oo dega Gobollada Baay,Bakool iyo Shabeellaha hoose ay ka cabanayaan sad bursi ay sameynayaan Masuuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com