DF oo xaqiijisay arrin ay horay u beenisay oo ah..

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhowr jeer oo sii horeysay ay DF Somalia beenisay in Shabakada ugu weyn ee dadka Tahriibisa ay saldhig weyn ka furatay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Jen Gaafow.

Jen. C/laahi Gaafoow oo ah madaxa laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia, ayaa xaqiijiyay in Shabakadaha Tahriibka ay xarumo cusub ka furteen Somalia islamarkaana waalidiinta uu ugu baaqayo inay ceshtaan Carruurtooda.

Waxa uu sheegay in Magafayaasha ka baayac mushtara Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee Liibiya sii mara, ay wakiilo u joogan Somalia si ay dalka uga musaafuriyaan dhalinyarada ku harsan dalka.

Waxa uu tilmaamay in DF Somalia ay baadi goob ku heyso wakiiladaasi si looga hortago shaqooyinka ay kawadaan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

”Qolyihii xarumaha ku lahaa saxaraha waxa ay dalka ka furteen xarumo. waxaan waalidiinta uga digayaa inay dayacaan carruurtooda oo ay u gacan galshaan magafe iyo dadka la shaqeeya”

Ujeedka ugu weyn ee Xarumahaasi uu Magafe uga furtay Somalia ayuu sheegay inay tahay mid lagu luminaayo dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda iminka wata waxbarashada.

Laamaha amaanka ayuu ugu baaqay inay wax ka qabtaan arrintaani soo cusboonaatay waxa uuna ka digay in DF Somalia ay ka gaabiso qatarta ka imaankarta Musaafurinta dhalinyarada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com