XOG: Xasan oo codsi u dirsaday laba dowladood

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku sugan Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu dalbaday dhaqaale hor leh oo uu u adeegsado Xildhibaanada Mooshinka wada.

Qorshaha Madaxweyne Xassan ayaa ah in dhaqaalahaasi uu ku maareeyo Mooshin wadayaasha waxaana la soo warinayaa in dhaqaalahaasi uu ka dalbaday Dowladaha Kuwait iyo Qadar.

Qorshaha dhaqaalaha lagu raadinaayo ayaa waxaa hor boodayo Danjirayaasha DF Somalia u kala fadhiya labadaasi dal, waxaana suuragal ah in maalmaha soo socda wufuud ka socta Qadar ay soo gaaran Muqdisho, sida aan xogta ku helnay.

Xildhibaanada BF garabka Mooshinka waday ayaa iminka qaarkood la afgartay waxaana soo haray tiro kale oo iyagu codkooda ku doonaayo dhaqaale adag.

Xildhibaanada BF ayaa fursado u arka keenista Mooshino ka dhan ah Madaxweyne Xassan waxa ayna taasi albaabada u furtaa maaro u helida Mooshinada, iyadoona ay xusid mudan tahay haddii dhaqaalahaasi la waayo uu sii kordhaayo tirada Mooshin wadayaasha.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xassan ayaa iminka 50% xal rajo leh ka gaaray Mooshinkii laga geeyay waxaana harsan Xildhibaano kale oo iyaguna u taagan afgarad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com