27.9 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Maxaa kala qabsaday CC iyo Odayaasha P/land

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in kulan dhexmaray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid iyo Odayaasha Puntland uu kusoo dhamaaday natiijo isfahan la’aan ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in kulanka Sharmaarke iyo Odayaasha uu qaatay ku dhawaad laba saac oo xiriir ah, balse ugu danbeyntii mirro dhalka shirkaasi uu noqday mid aan laga gaarin dantii laga lahaa.

Sharmaarke ayaa inta karaankiisa ah la sheegayaa in Odayaasha uu ku cadaadiyay inay aqbalaan ka tanaasulida 4.5, hayeeshee ay Odayaasha ku gacanseeren dalabka Sharmaarke oo ahaa kaliya mid ku xiran ka tanaasulka 4.5.

Odayaasha ayaa la soo warinayaa in si cad ay u diiden qorshaha Sharmaarke, iyaga oo tanaasulka loo soo bandhigay bedelkiisa Sharmaarke ka dalbaday in Dowlada ay aqbasho misna ay tijaabiso hab deegaan, bacdamaa ay dhowr jeer iyaguba u tanaasuleen Dowlada.

Odayaasha waxa ay si ganbasho la’aan ah uga hor imaadeen qorshaha Sharmaarke, waxaana la soo warinayaa in kulanka uu soo xirmay, ka gadaal markii lagu gacanseeray qorshihii laga lahaa shirka.

Puntland ayaa ka tanaasulka mowqifkeeda xujo uga dhigtay in marka hore Dowlada ay Odayaasha ku qanciso in nidaamkaasi ay ka tanaasulaan.

Ma cadda qorshaha xigi doona oo uu la imaan doono Ra’isul wasaare Cumar iyo Xukuumadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News