Maxaa kala qabsaday XASAN SHEEKH iyo Faroole? (Maanso Madaxnimo)

Maansadan waa maanso aan ku cabbirayo kala fogaanshaha aragtida Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxa Maamul Goboleedka Puntland  Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Maansadan ayaa ah mid qaab maamuurin ama curis ah u samaysan oo aan kaga hadlinayo labada mudane mid weliba mawqifka uu ka taagan yahay kan kale. Haddaba ka bogasho wacan. 

Xasan Shiikh. 

Indhaweydba Miinleey

Maan curinnin maansoo

Murtideeda waan dhigay

Mashquul aawadiisiyo

Masuuliyadda igu raran.

 

Bal aan mariyo maantoo

Galo moosinkeediyo

Minankeeda Suugaan.

 

Waa mid iga su’aalee

Maqla oo ka miirsada

Muudsada macaankiyo

Miisaanka sheekada

Ha masuugin abidkaa

Adigoon macnaha garan

Minka iyo ujeedada.

 

Magaca iyo madaxnimo

Midna maanan xoogine

Waa martabad Ilaahay

Ila maagay anigoo

Iyadoo la mudan yahay

Raggu wada majilan yahay

Sawnigii mudh soo idhi

Ma cidbaan ka xoogoo

Madfaciyo rasaasiyo

masaakiin miyaan dilay?

Miyaan qixiyey maatida

Maxaa lay mucaaradi?

Mayada iyo murankiyo

Xaqa loo maldahayaa?.

 

Faroole:

 

Miinleeyada maansiyo

Geeraar muc weynliyo

Aan mariyo suugaan

Dadku wada maqsuudaan.

 

Maqaloo warkaygoo

Madaxweyne ila dhugo

Mar haddaabad Maandeeq

Muftaaxeeda haysoo

Kursigiina midigtiyo

Mulkidaada uu galay

Waan mucaaradaynaa

Mukhlis iyo haddaad tahay

Mufti aan dadkaba dhibin

Mahlik baanu kaa dhigi

Haddii aad macsuum tahay

Ruux magan Ilaahiyo

Mawlicii wadaadana

Mujrim baanu kaa dhigi

Inta ila mabda’a iyo

Inta ila maqaamka ah

Mawqifkeenu wuxuu yahay

Maya maya yeeli mayniyo

Ma aqbalayno xaajada

Midhkaasaan ku leeyahay

Madaafiic haddaad ridi

Ama Mootarrada weyn

Amaad Miino noo xidhi

Naga dhigi maxaabiis

Ama aad ma quustiyo

Noogu yeeri mooryaan

Mabda’eenu waa kaas.

 

Xasan Shiikh.

 

Cabdiyoow Masuulnimo

Madaxnimo ninkii raba

Ha ka tuugo Mawlaha

Magac iyo wanaaggiyo

Midnimiyo iskaashiga

Ha ka dhigo majarihiis

Ha mooreeyo xaajada

Maan iyo cilmiga guud

Ha ku mooso taladiis

Horta Mayada mooyee

Yeeli mayno mooyee

Macne kale ma haysaa?

Arrin lagu maqsuudoo

Dadku kaa maqlaanoo

Waxna lagu mucaarado

Caree Miiska soo saar

Ha laguu Mashxaradee.

 

Faroole

 

Xasanoow Muraadkani

Maaha sheeko curadee

Madax kaa horreysaa

Ku muquunshay murankaas

Marti inaan noqdaayoo

Maareeynta taladiyo

Majlisyada adduunyada

Layga reebo madalaha

Maaha midaan aqbali karo.

 

In markaan ku soo waco

Mashquul weeye lay oran

Maqalkaaga aan gabo

Maaha midaan aqbali karo

 

In wixii muraadiyo

Mucaawino na soo gala

Midhba layga weydiin

Maaha midaan aqbali karo

In miskiin la ii mudo

Ama laygu maadsado

Muuqaalka wararkiyo

Maqalkiyo wargeysyada

Laga waayo magacay

Maaha midaan aqbali karo.

 

Manhajkeena guudiyo

Federaalka Maabka ah

Masiirkiyo ujeeddada

Yaa ku mudan Naftaydoo

Oo ku maran dareenkoo

Madaxweyne iga maqal.

 

Marka iyo Shabeeliyo

Maanyada Kismaayiyo

Muqdishiyo Hiiraan

Mudugiyo Bakooliyo

Magaalooyinkii idil

Haddii Maamul iyo talo

Arrinkood la maareyn

Mawduuca laga rabo

Iyo Magacyo bixintood

Marna kama maqnaan karo?

 

Xasan Shiikh.

 

Cabdaw waad mirqaantaye

Marinkiina seegtaye

Maqal oo ujeeddada

Maskaxdaada haw dhaco

Dalka madax anaa ka ah

In mareykan aan tegay

Masallaha la dhigay Yurub

Mashaariicna aan furey

Cabdiyoow ma moogide

Inaan Madasha anigiyo

Madaxdii adduunyadu

Ku mashquulsanayn talo

Mashaqada dalkeeniyo

Midnimadeena Soomaal

Cabdiyoow ma moogide.

Waataan macangageyse

Lagaa oodey marinkee

Inaad maqasho mooyee

Midh inaad tidhaahdiyo

Lagaa diiday Murankii.

 

Mashqriq iyo qarbiga iyo

Afrikada Madoowbiba

Marag waxay ku furayaan

Madaxweyne caanoo

Loo wada maqsuudiyo

inaan ahay ma dhaafaan.

Adna laba magaalood

Wakiil li metela iyo

Madaxoodii baad tahay.

 

Ha maroojin xaajada

Madaxweyne beeniyo

Magac bixinta qaladka

Mereg yeysan kugu noqon

Maqaamkaaga yey lumin

Moosku yaanu kugu jebin.

Moolku yaanu kula deign.

 

Maqal maanta dabadeed

Mudanaha guddoomiya

Magaalooyinkaa Bari

Magacaagu weeyaan

Marsadiyo garoomada

Malkadiyo dhaqaalaha

Maalkiyo Cashuuraha

Mashruucii yimaadaba

Anigaa Masuul ka ah

Hadalkuna mid weeyaan

Anigaa wax maanici

Anaa Maaha odhan kara.

Dalka madax anaa ka ah.

 

Nin kastoo Mucaaradoo

Mabda’a iyo xisbi lahayn

Mawduuc aan la soo bixin

Sharciga Maxkamadayn

Muran iyo makeekiyo

Is maqiiq la soo mood

Umadduna mid weeyaan.

 

La soco Qaybaha dambe.

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online