Maxaa kala socotaa 4-ta hab ee doorashada Kenya ay saameynta ugu yeelan karto Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya iyo Soomaaliya waa labo dal oo daris ah oo waddaaga xudduud dheer oo bad, dhul iyo hawo intuba isugu jirta, waxa ka dhaxeeya dano ganacsi, kuwa amni iyo waliba kuwa shucuub oo xadka labadiisa dhinac ku kala nool.

Kenya waxaa ka dhacaysa doorasho, waxaana laga cabsi qabaa in ay ka dhashaan rabshado, haddaba waxa aan qormadan ku eegeynaa saamaynta ay Soomaaliya ku yeelan karto doorashada Kenya.

Saamaynta Amniga

Doorashada waddanka Kenya ayay Soomaali badan rumeysan yihiiin inay saamayn kala duwan ku yeelan karto Soomaaliya.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan ciidamo ah, kuwaasi oo ka tirsan ciidamada nabad illaalinta Midoowga Afrika.

Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka NASA ahna murashax u tartamaya xilka madaxweynanimo ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in haddii u xilka madaxweynaninimo ku guuleysto uu si qorsheysan ciidamada Kenya uga soo saari doono Soomaaliya.

Kenya waxa ay sidoo kale kaalin muuqata ku leedahay dajinta qorshayaasha arrimaha amniga ee Soomaaliya marka laga hadlayo Midoowga Afrika.

Ciidamada AMISOM iyo dadka kale ee ka shaqeeya arrimaha amniga ee Soomaaliya waxa ay inta badan saanadda oga soo degaan dekada Mombasa.

Xiriirka Ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya

Marka laga hadlayo ganacsiga ka dhexeeya labada waddan, durba waxa maskaxdaada ku soo dhacaya qaadka oo ah badeecada ugu badan ee ay Kenya u dhoofiso Soomaaliya.

Ku dhawaad labaatan diyaaradood oo sida qaadka ayaa maalin kasta taga Soomaaliya halkaasoo Kenya ay ka hesho boqolaal kun oo doolar maalintii.

Ganacsatada Soomaalida ee iyagu laftooda macaash badan ka sameeya ganacsiga qaadka ayaa isha ku haya doorashada Kenya maadaamaa baqdin laga qabo in ay rabshado ka dhacaan Kenya haddii lagu murmo natiijada doorashada.

Ganacsade Cabullahi Afrax Siyaad ayaa sheegay in ganacsiga qaadka ay ku tiirsanyihiin kumannaan Soomaali ah sidaad daraadeedna ay u filayaan in doorashada Kenya ay si nabad ah ku dhacdo.

“Annaga Soomaali ahaan iyo Kenya waxa naga dhexeeya ganacsi aad u weyn oo ah kan qaadka, haddii dawladnimada Kenya ay burburto waxa baaba’aya dad badan oo ganacsato ah, Muqdisho ha joogaan ama Nairobi ha joogaan oo ay noloshoodu ku tiirsantahay ka ganacsiga qaadka, sidaa aawadeed waxaan u rajaynaynaa in si nabad ah doorashadu ugu dhacdo doorashada ” ayuu yiri ganacsade Cabullahi Afrax.

Qaadka oo kaliya ma ahan ganacsiga labada dal ka dhaxeeya, Nairobi waxa ay xarun u tahay ama marin u tahay ganacsato badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo sii mara marka ay safarada ganacsiga dibada u socdaan, ama xitaa ganacsigooda uu si toos ah ugu xiranyahay Kenya.

Duulimaadyada ugu badan ee Soomaaliya dibada oga yimaada ama ka aada waxa ay u duulaan dalka Kenya, iyada oo heshiis iskaashi ah oo dhexmaray labada dowladood uu kaalin weyn kaga jirey qodob ku saabsan duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Prof Maxamad Macalin Cumar Mayre oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika oo BBC-da la hadlay ayaa yiri “Doorashada Kenya way saamaynaysaa Soomaaliya, Kenya waa udub dhexeedka waddamada Bariga Afrika, Kenya waxa ay ku taalaa meel istaraatiiji ah, waxay leedahay deked weyn oo waddamadan isku xirta, waxay ka tirsantahay urur goboleedyo gobolka ka jira marka isbadal kasta oo ka dhaca wuu saameynayaa Soomaaliya”.

Siyaasadda

Kenya waxa ay kaalin muuqata ku lahayd dhismaha dawladda federaalka Soomaaliya waxayna dalkeeda ku qabatay shirkii dib u heshiisiinta ee sannadkii 2004-tii lagu dhisey dowladdii ugu horeysey oo federaal ah, taasi oo madaxweyne loogu doortey marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Dowladda Federaalka ayaa Kenya u qirsan kaalinteeda xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana ka hadlay wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo yiri “Dawladda federaalka waxa ay soo dhawaynaysaa mar walba in doorashadaas dalka Kenya ay si nabad ah ku dhacdo, noqoto mid shacabka dalkaasi u horseeda nabad, annaga dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawladda Kenya xiriir wanaagsan baa naga dhexeeya, xiriirkaasna inuu horey u sii socdo oo labada dal iyo labada shacab oo aan kala maarmin la sii hormariyo oo dhan walba”.

Haddii qalqal amni iyo mid siyaasadeed uu ka dhoco Kenya waxa ay u saamaynaysaa sidii ay Kenya saamaynta u dareentey markii dowladdii Soomaaliya ay dhacday sanadkii 1991-dii.

Maxaa laga baran karaa doorashada Kenya?

Soomaaliya sanadka 2020 waxa lagu wadaa inay ka dhacdo doorasho qof iyo codkii ah, haddii doorashada Kenya ay ku dhamaato si nabdoon waxaa jiri doona casharo muhiim ah oo laga baran karo sida uu sharaxayo markale Prof. Maxamed Macalin Mayre.

“Waxa xusid mudan in Soomaaliya 2020ka ay u diyaar garoobayso doorasho cod iyo qof ah, waxaa la ansixiyay nidaamka axsaabta, diwaan galinta axsaabta ayaa bilaabanaysa, Soomaaliya cibro qaadasho ayay u tahay doorashada Kenya ka dhacaysa 2017ka, Soomaaliya waxay rajaynaysaa inay noqoto sida Kenya oo kale xagga dimoqaraadiyada, Kenya waxa gumeystay dawladda Ingiriiska oo aad iyo aad ugu ololeysa dimoqaraadiyada” ayuu yiri Prof Maxamed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com