32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Maxaa kala socotaa fadeexadii Aadan Cadde Airport ku qabsatay GOODAX?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedy ku sugnaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa inoo xaqiijiyay in Sii haayaha Wasaarada arrimaha Gudaha DF C/llahi Goodax Barre ay Ciidamada amaanka ee la socday Madaxweyne Erdogan ka celiyeen inuu gudaha u galo Terminal-ka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Ilo-wareedyada ayaa xaqiijiyay inay arkayeen Ciidamada amaanka Madaxweynaha Turkiga oo gacanta feeraha ka saaraya C/llaahi Goodax Barre islamarkaana ay gadaal u tuureen kadib markii uu isku dayay inuu garab istaago Madaxweynaha Turkiga maadaama uu yahay Mas’uulka xiligaani DF Somalia ugu magacaaban Wasaarada arrimaha Gudaha.

Waxay sheegeen inay mar qura arkeen C/llaahi Goodax Barre oo gadaal u turuntooday islamarkaana ay ku dhagan yihiin Security-ka Madaxweyne Erdogaan oo iyagu xiligaasi mamnuucay in la soo labeeyo Madaxweyne Xasan iyo Xaaskiisa markii laga reebo Ra’isul wasaaraha dalka iyo mas’uuliyiin kale oo soo dhaweeyay Erdogan halkaasina looga reebay.

Dhanka kale, Ciidamada gaarka ahaa ee Xaqiijinaayay Amaanka Erdogan, ayaa iyagu diidanaa gabi ahaan dhaqdhaqaaqyada garoonka iyo goobaha muhiimka ah, waxaana xusid mudan in laga soo bilaabo Ra’isul wasaaraha dalka ilaa iyo xubnaha Baarlamaanka laga ilaalinaayay inay garab socdaan Erdogan iyo Madaxweyne Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News