Maxaa kala soctaa 2 qodob oo xildhibaanada garabka Jawaari hordhigeen Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weli ku howlan xal u helida xiisad Siyaasadeedka ka dhex aloosan baarlamaanka Somalia.

Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaara la qaadanaaya guddiyo la sheegay inay iska soo dhex xuleen Xildhibaanada labada garab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labada garab kala hadlaaya qaboojinta xiisada siyaasadeedka iyo qaabka xal looga gaari karo.

Kulamada oo ah kulamo xasaasi ah ayaa waxaa leysku weydaarsanayaa tallooyin suuragalinkara dhex dhexaadnimo iyo in garab waliba lagu qanciyo qodobo gaara.

Xildhibaanada kulanka uu ilaa iyo hadda la qaatay Farmaajo waxaa la sheegay in ay yihiin gudiyada ay kala magacaaben Jawaari iyo Muudeey oo labada garab ee iska soo horjeeda kala hogaaminaaya.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in garabka Guddoomiye Jawaari ay la imaaden shuruudo ay ku doonayaan in looga gudbo xiisada Mooshinka ka dhalatay.

Xildhibaanada garabka Mooshinka kasoo horjeeda ayaa waxa ay sheegeen in ay labo qodob ka wadaan Gudoomiye Jawaari si loo xaliyo Khilaafkana ay muhiim tahay in uu tixgaliyo Madaxweyne Farmaajo.

1-In cod qarsoodi ah loo qaado Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari, iyadoo la isticmaalayo Sanduuq

2-In lagu xaliyo tanaasul, islamarkaana cidwalba ay qabsato shaqadii loo idmay.

Sidoo kale, Guddiga uu soo magacaabay Guddoomiye Jawaari, ayaa ku adkeystay inaanu u cuntami doonin wax kamadax-banaan labada qodob.

Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo oo dadaal xoogan ku bixinaayo sida lagu gaari lahaa xalka ayaa lagu wadaa in dhankiisa uu go’aan ka gaaro xiisadan kadib la kulankiisa labada garab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com