Tirada xubnaha lagu kordhiyay gudigga dib u eegista dastuurka dalka oo la shaaciyay

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Aqalka Sare waxaa tirro kordhin lagu sameeyay xubnaha Gudigga dib u eegista iyo lasocodka arimaha dastuurka baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa la sheegay in lagu kordhiyay tirro dhowr ah, kadib markii ay soo korortay baahiyaha loo qabo in la kordhiyo cadadka xubnaha Guddiga.

Gudoomiyaha gudigaasi Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in tirada gudigaasi oo markii hore ahaa 10 xubnood lagu biiriyay 6 xubnood oo hor leh.

Cabdi Qeybdiid, ayaa sheegay in 6-da xubnood laga keenay maamul goboleedyada ka jira dalka, sidaana looga maarmi waayay in lagu kordhiyo.

Sidoo kale, Gudiga dib u eegista iyo  la socodka  arimaha dastuurka Soomaaliya ayaa Xubnaha goloha Aqalka Sare ee dalka u qeybiyay qodobada uu ka koobnaan doono dastuurka dalka si ay tala bixin uga sameyaan.

Geesta kale, Gudoomiyaha gudigaasi Cabdi Qeybdiid ayaa cadeeyay in tirro kordhinta Guddiga ay waxbadan ka bedeli doonto shaqada uu Guddiga qabanaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com