Maxaad kala socotaa sababta maamulka Somaliland laga reebo miisaaniyadda DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Wasaaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Somalia, ayaa macluumaad dheeri ah ka bixiyay ujeedka maamulka Somaliland looga reebay Miisaaniyad sanadeedka sanadkaan.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inaanu jirin ujeedo gaara oo maamulka Somaliland looga reebay miisaaniyada sanadkaan, balse waxa uu farta ku goday in miisaniyadda DFS ee hadda jirta ay hoos u dhigeyso dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ka jira dalka.

Wasiir Beyle waxa uu sheegay in Wasaaradu ay wado qorsho cusub oo maamulka Somaliland loogu raadinaayo qoondo, balse waxa uu tilmaamay in taa ay imaan doonto wixii ka danbeeya wadahadalka DFS iyo maamulka Somaliland u socda.

Waxa uu tilmaamay in maamulka Somaliland miisaaniyada lagu biirin doono goortii xal laga gaaro wadahadalka hadda kala dhexeeya DFS ee weli qabyada ah.

Sidoo kale, Wasiir Beyle waxa uu intaa raaciyay in wakhti badan ay qaadan doonto in maamulka Somaliland lagu daro miisaaniyadda dowladda.

Dhinaca kale, Beyle waxa uu ku baaqay in Somaliland ay la timaado xal degdeg ah, si ay ula mid noqoto maamulada kale ee dalka ka jira.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com