Maxaa kala socotaa tirada wasiirada loo kala diray codsiga Iscasilaada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan xogta ku heleyno Gudoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka Somalia, Xildhibaan Nuur Iidow Bayle, ayaa qoraal u diray Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia Xil. Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Guddoomiyaha ayaa la xaqiijiyay in Wasiirka Gaashandhiga Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan uu sida ugu dhaqsiyaha badan isaga casilo xilka Wasaarada.

Waxaa laga dalbaday in laga doonaayo in xiliga qabashada araajida, bixinta lacagta diiwaan galinta ka hor uu ku dhawaaqo inuu iska casilay xilka Wasiirka Gaashandhiga, si uu u buuxiyo shuruudaha musharaxnimo ee Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Waxaa sidoo kale warqado loo kala diray Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumada Somalia, kuwaa oo iyaguna la doonaayo inay kamid noqdaan Musharaxiinta u tartamaaya xilka Gudoomiyenimo ee baarlamaanka Somalia,

Warqadaha iyo ogeysiinta Wasirada loo kala diray ayaa waxaa Illaa hadda kamid ah saddex Wasiir oo isku soo sharaxay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia kuwaasi oo kala ah Wasiirka Difaaca, Wasiirka Tamarta iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliya.

Wasiiradan ayaa laga doonayaa inay ka tagaan xilalka ay hayaan, iyaga oo Xildhibaano kaliya ahna ay u tartamaan xilka afhayeenka Baarlamaanka Somaliya.

Docda kale, Shuruudan oo noqon doonta mid adag ayaanan la ogeyn Wasiirada qaadan doona, iyadoo aanan la ogeyn qofka ku soo bixi doona Afhayeenka Baarlamaanka, xilli ay u taagan yihiin 11 Musharax.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com