24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

10 qodob oo sabab u ah in sanadkaan tartanka kursiga BF uu noqdo mid qabow

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Asbuuc kadib is casilaadii Gudoomiyihii baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa la magacaabay Giddi qaban-qaabo oo la filayo in ay Asbuuc kale ku dhameeyaan howsha.

Waxaana Hoteelada Xamar ka socda olole iyo xod-xodasho lagu raadinayo bedelkii Gudoomiye Jawaari oo kursiga baneeyay 12 kii bishaan. Lkn ololaha sanadkan ayaa ka duwan kana qabow ololihii doorashooyinkii looga bartay Muqdisho 2012 & 2017. Sababahaan awgood:-

1-Xildhibaanada Xukuumadda Nabad & Nolol iyo Xildhibaanada Mucaaradka oo wada daalay kadib loolan siyaasadeed oo soo dhex maray sanad ka badan.

2-Murashixiinta Gudoomiyaha oo ku kooban hal beel, Curfiga siyaasada 4.5 oo aan ku qornayn Dastuurka, lkn la aaminay.

3-Murashaxiinta ugu cad cad oo noqday hal dhinac ama group oo ah kuwii keenay Mooshinkii Jawaari.

4-Xukuumadda oo go’aansatay in ay dhex-dhexaad ka noqoto kadib markii ay Musharraxiintii oo dhan ay noqdeen Wasiiro ka tirsan iyo Xildhibaanno taageersan.

5-Madaxwayne Shariif Xasan oo ka daalay in uu Gudoomiyaha ka bedelo beelaha koofur galbeed, kadib markii uu isku dayay laba doorasho oo hore.

6-Xildhibaanadii Mucaaradka ahaa ee taageersanaa Jawaari oo aan keensan Musharrax, kana daalay loolanka, kuna mashquulsan dhismaha Xizbiyo ay doorasho ku galaan 2020 ka.

7-Dawlad Gobaleedyada oo aan aad u danaynayn qofka uu noqonayo Gudoomiyaha Barlamaanku markii laga reebo koofur galbeed, culays haysta iyo doorashooyin kusoo dhaw awgeed.

8-Dawladaha iyo Ururada Shisheeye oo fara gelin-toodii arrimaha dalka ay yaraatay.

9-Dadka Somaaliyeed oo ka daalay lookanka iyo tartanka siyaasadda oo jecel xasilooni iyo deganaasho siyaasadeed.

10-Beelaha Shabeelada Hoose oo jecel in tookadaan iyaga la siiyo Gudoomiyaha, kadib markii ay u sabreen lana shaqeeyeen ilaa 5 Gudoomiye oo kasoo jeeda Bay & Bakool, iyaga oo tusaale ka dhiganayo s bedelkii sanadkii hore ee Kuraasta Madaxweynaha iyo R/wasaaraha.

Hadaba qodobadaas iyo kuwa kale ayaa ka dhigay tartanka kursiga Gudoomiyaha Barlamaanka mid Qabow sanadkaan.

Lkn Xildhibaanada ayaa hadal haya in ay helaan Gudoomiye; dhalin-yaro ah, fahmi kara dareenka iyo baahida dhalinyarada Barlamaanka oo gaaraya ilaa 70% , Gudoomiye Madax banaan oo aan koox laheen, leh aqoon, karti, hufnaan iyo waaya aragnimo ku filan, Midayn kara Xildhibaanada, ku hoggaamiya daacad-nimo 3 sano ee soo socota iwm.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

 

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60