Maxaa kala socotaa xiliga la dhisaayo golaha Adeega Garsoorka dalka (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda Xukuumada Federaalka ah ee Somalia Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa shaaca ka qaaday xiliga uu soo dhisaayo Golaha Adeega Garsoorka dalka.

Wasiirka ayaa sheegay inay soo dadajinayaan dhismaha Golaha Adeega waxa uuna cadeeyay in muhiimada ugu weyn ay siin doonaan sida Shacabka ay ku heli lahaayen Garsoor Cadaalad ah.

Wasiirka Cadaalada oo ka hor hadlaayay baarlamanaka Somalia ayaa sheegay in Guddiga Adeegga garsoorka uu ku soo dhisayo muddo 2 bilood ah, isaga oo kala tashanaaya maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Waxa uu sheegay in tani sahli karto in lahelo Garsoor loo dhan yahay kaas oo lag dhisi doono dalka oo dhan si ay u yaraato Cabasahda Shacabka ee dhanka Garsoorka dalka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in Golaha Adeega Garsoorka dalka ay noqon doonaan kuwo ku dhisan Cadaalad isla markaana maamul weliba ay heli doonaan qoondada ay xaqa u leeyihiin.

Geesta kale, Wasiirka ayaa ku baaqay inaanu ka dib dhici doonin mudada labada bil ee uu qabsaday waxa uuna ku baaqay in lala shaqeeyo.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com