Qadar oo ka cabanesya dhaqan fool-xun oo ay kala kulantay dowlada Sacuudiga

Doha (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa ka qeylisay cadaadiska muwaadiniinteeda kaga imaanaya dowlada Sacuudiga oo weli is hortaageysa howlaha Xajka.

Dowlada Qadar ayaa sheegtay in Sacuudiga ay Siyaasadeyneyso Xajka isla markaana ay caburin muuqata saareyso muwaadiniinteeda dooneysa inay xajiyaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa sheegay in Sacuudiga ay muwaadiniinta Qadar ku amartay in Dooxa oo kaliya ay kasoo dhoofi karaan Sacuudigana ay kasoo geli karaan laba magaalo oo kaliya sida Maddina iyo Jiddah.

Wasiirka waxa uu intaa raaciyay in Sacuudiga ay kala dagaalameen dhanka cibaadada isla markaana ay howlaha cibaado kadib ka gudbin doonaan dacwad heer caalami ah.

Dowlada Sacuudiga ayaa horay u shaacisay in muwaadiniinta Qadar ay ka mamnuucday inay u cimro iyo xaj doontaa dalkooda.

Geesta kale, dowlada Sacuudiga kama aysan jawaabin eeda ay jeedineyso dowlada Qadar oo iyadu dacwado arrintaasi ku saabsan u gudbisay QM iyo UNESCO.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com