Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ku dhagan Wasiir Xoosh

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa maanta hortagaya Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Dalab ka yimid qaar kamid ah Golaha Shacabka ayaa sababay in todobaadkii hore loo yeero Wasiir Xoosh Kadib markii Xildhibaanada ay dhibsadeen hadal uu ku soo qoray Bartiisa Twitter-ka.

Wasiirka Dastuurka ayaa ka hor yimid go’aankii ay Xildhibaanada ka qaateen murankii ka taagnaa doorashada 8 kursi oo ka mid ah Xildhibaanada waxana maanta su’aalo laga weydiinayaa sababta uu kaga hor yimid go’aankaasi.

Xildhibaanada ayaa waxaa maalintii Shalay hortagay Wasiirka cadaalada, waxaana maanta xiga u yeerida Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa kordhaaya la xisaabtanka Wasiirada Xukuumada Somalia oo maalmahaani looga yeerayo Xarunta Golaha Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com