24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Maxaa ka mid ah shuruudaha ay Qadar ku xirtay wadahadalka dowlada Sacuudiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa sii adkeysay wadahadal ay la gasho dowlada Sacuudiga iyo xulafadeeda kadib markii ay ku dhawaaqen inay xiriirka u jareen.

Dowlada Qadar ayaa sheegtay inay sii adkaan doonto shuruudaha ay hamineyso inay la gasho dowlada Sacuudiga, waxa ayna taa u sababeysay wanaag la’aan iminka kala dhexeysa Sacuudiga.

Sheekh Mohameed bin Abdulrahman Al Thani oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada dowlada Qadar, ayaa sheegay in Qadar aysan diidaneyn wadahadal ay la gasho Sacuudiga, balse mowqifkeeda uu yahay inaan la wadahadal iyadoo aan leysku afgaran shuruudaha.

Wasiirka Arrimaha Dibada dowlada Qadar, waxa uu sheegay in wadahadalka Sacuudiga uu ka horeyn doono in marka hore Qadar laga qaado xayiraada laga saaray dhanka dhulka, Cirka iyo badda.

Waxa uu Wasiirka sheegay inay adag tahay inuu dhaco wadahadal iyadoo aan marka hore la qaadin xayiraada waxa uuna carab dhabay in mowqifka Qadar uu yahay mid cad oo aan waxba iska bedeli doonin.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha dibada Qadar ayaa sheegay in haddii la sii wado xayiraada saaran dalkiisa ay ku tiirsanaan doonaan dalka Iran oo si weyn ay isaga soo horjeedaan Boqortoyada Sacudi Carabiya.

Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada xiisada ka dhex aloosan dowladaha Sacuudiga iyo Qadar ay ku dhex wareersan tahay keliya dowlada Kuwait oo ka dhexwada waanwaanta.

Caasimada Online
Xafiiska Doha
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News