Riyadh (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday inay diiday dalab kaga imaaday dowlada Turkiga, kadib markii ay ku dhiiratay in dalkeeda ay ka dhistaan Saldhig Militery.
Wasiirka Arimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Jubeyr, ayaa sheegay inay diideen in gudaha Sacuudiga laga dhiso Saldhig Militery oo ay leedahay dowlada Turkiga.
Wasiirka ayaa sheegay in xiriirka kala dhexeeya dalka Turkiga uusan gaarsiisaneyn heerkii loogu tallo galay, sidaa darteed aysan aqbali doonin in ciidamo Turkiyan ah laga dhex maamulo Sacuudiga.
Wasiir Caadil Jubeyr, ayaa sheegay in dowlada Turkiga ay xiriir dhow la leedahay dowlado kasoo horjeeda Maslaxada Sacuudiga, taa oo sii fogeysay suuragalnimada in Turkiga loo ogolaado furashada Saldhiga.
Sidoo kale, Sacuudiga ayaa sheegtay in Turkiga ay dhinac ka tahay xulafada Sacuudiga, isla markaana u janjeerto dhanka Qadar.
Dhinaca kale dowlada Turkiga oo xiriir todobaadkii hore la sameysay dowlada Sacuudiga si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya Boqortooyada Sacuudiga iyo Qatar ayaa lagu guuleysan waayey.
Caasimada Online
Xaafiiska Riyadh
[email protected]

