Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax culus ayaa goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Qaraxa oo laga wada maqlaayay degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka dhacay Degmada Wadajir, gaar ahaan meel aan ka fogeyn Suuqa Degmada.
Qaraxa kadib ayaa waxaa dhacay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada ee ku sugan goobta uu Qaraxa ka dhacay.
Qaraxa ayaa ka dhacday nawaaxiga Xarunta Degmada Wadajir, xili halkaasi ay aheyd mid aad u mashquul badan isla markaana ay ka ag dhawaayen ciidamada dowlada.
Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray gaadiidka gurmadka iyo ciidamo farabadan oo ay la socdeen Saraakiisha Hay’adaha amaanka.
Waxaa xiran dhammaan waddooyinka Degmada, waxaana sidoo kale la daad-gureynayaa dadka uu khasaaraha kasoo gaaray Qaraxa.
La soco wixii kusoo kordha Qaraxa culus ee goordhow laga maqlay Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

